Borama(GNA) Golaha degaanka ee degmada Boorama ayaa maanta kulan dheer oo saacado badan qaatay kadib ansixiyay miisaaniyada degmada Boorama ee sanadka 2014. Miisaaniyadan oo ah mid mala’awaal ah ayaa waxa soo hordhigay golaha masuuliyiinta fulinta ee dawalada hoose ee Boorama, waxana ka hor intii aan miisaaniyadan la ansixin golaha dhex martay dood kulul oo ku salaysan miisaaniyadan odoroska ah, taasi oo sababtay in xildhibaanada qaar ay ka baxaan madasha.
Kulankan maanta uu golahu ku ansixiyay miisaaniyadan oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa ka soo xaadiray 20 xildhibaan, halka uu hal xildhibaan ka maqnaa ka soo qabgalka kulankan, xildhibaan kalena uu ka baxay madashii lagu ansixinayay miisaaniyaydan, waxana xildhibaandu ay ku ansixiyeen miisaaniyadan 2014 cod aqlabiyad ah, kadib markii ay u codeeyeen 13 xildhibaan, halka ay 7 xildhibaana ka aamistay ansixinta miisaaniyadan, 2 xildhibaan ee kalena ay madasha ka maqnaayeen.
Markii laga soo baxay kulankaas ayay shabadu la xidhiidhay qaar ka mid ah xildhibaanadii ka qayb galay kulankan waxana ay waydiisay inta ay dhan tahay miisaaniyada ay maanta ansixiyeen waxana uu xildhibaanka u waramay shabakada oo ka gaabsaday in magaciisa in la xuso uu yidhi “Miisaaniyada sanadka 2014 ee aan ansixinay waxa ay dhan tahay 8 bilyan oo shilanka Somaliland ah, halka ay tii sanadikii hore ka ahayd 5 bilyan oo shilinka Somaliland ah, dhamaan miisaaniyadan waa mid mala awaal ah oo lagu xisaabtamayo inay soo xerooto sanadka soo socda, waxana ay ka soo bixi doontaa meelo tiro badan oo ay ugu mihiimsan yihiin cashuuro la kordhiyay iyo cashuuro kale oo aan hore loo qaadi jirin oo la bilaabi doono qaadidooda”
Xildhibaanku waxa kale oo uu ka waramay miisaaniyadan waxa lagu qaban doono waxana uu yidhi “Waxa ay wax badan ka tari doontaa kor u qaadka adeegyada bulshada ee ay Dawlada Hoose ee Boorama u qaabilsan tahay, waxana ay ku salaysan tahay wax ka qabashada dhinacyada Jidadka, dhismayaasha dugsiyada iyo saldhigyada Booliska iyo adeegyo kale oo badan, waxa sidoo kale ku jira oo ay mudnaanta siinaysaa miisaaniyadan aan ansixinay ee 2014 kordhin dhinaca mushaharka shaqaalaha D/Hoose ah oo u dhaxayn doona 30% ilaa 40% hadii Eebe Idmo”
Dhinaca kale shabakada ayaa waxa ay la kulantay xildhibaan ka soo baxay kulankii miisaaniyada lagu ansixinayay, waxana waqtigaasi xildhibaankaasi ka muuqatay wajigiisa cadho faro badan, sidaas oo ay tahay hadana waxa uu ku gacan saydhay inuu saxaafada u faahfaahiyo waxa gudaha ka socda iyo waxa uu biyo diidsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee miisaaniyadan uu golaha degaanka ee Boorama ansixiyay ayaa noqon doonta miisaaniyadii ugu balaadhanayd ee saadaasha ah ee la ansixiyo, ilaa hada waxa ay kharashaadkaasi oo dhani yihiin kuwo aanan la hayn oo ku talo gal ah, waxana hubaal ah in culays xoog leh ay soo xeraynta miisaaniyadan saari doonto shaqaalaha Dawlada Hoose oo uu ka masuulka yahay Xoghayaha Fulinta ee D/Hoose, oo ah masuul shaqada ku cusub, maantana ay hawlo badani hor yaalaan
Gobanimo news.com
Borama/somaliland