Monday, November 11, 2013

Hargeysa: Bilayska oo xidhay Wariyeyaal


Hargeysa(GNA)-Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa ayaa Olole waddo banyan ah ka fulisay qaar ka mid ah Jidadka Magaalada ee Halbowle suuqa mara.




Ololahan ayaa laga fuliyay Waddada wadnaha magaalada marta ee Waaheen, halkaasoo ay Gaadiidka dawladda hoose ka kiciyeen Ganacsato yar yar oo xoogsato ah.




Ololahan ayaa intii uu socday waxa bilaysku xidheen wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta Maxaliga ah oo Sawiro ka qaaday sidii hawl-galku u socday “Bilaysku waxay nagu yidhaahdeen joojiya Sawirada, dabadeedna way na xidheen waxaanay nagu yidhaahdeen Masaxa wixii sawiro aad qaadeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Khadar Macalin deeq oo ka mid Suxufiyiinta la xidhay oo markii la soo daayay hadlay.




Khadar Macalin ayaa intaasi ku daray “muddo ilaa laba saacadood ah ayaanu ku xidhnayn saldhiga dawladda hoose, dabadeed markii dambe waxa noo yimi Maayirka Caasimada oo naga soo daayay” ayuu hadalkiisa raaciyay.




Ma jiro wax waxyeelo ah oo loo geystay wariyeyaashan oo ahaa saddex “wax dhibaato ah nalooma geysan, waxay nagu yidhaahdeen masaxa Sawirada aad qaadeen, dabadeedna waanu diidnay”ayuu yidhi Khadar macalin oo mar kale xadhigooda ka hadlay.




Dawladda hoose ee Caasimada ayaa bilihii ugu dambeeyay ku foognayd kor u qaadista Bilicda Magaalada oo wasaaradda Daakhiligu ku amrtay, taasoo Ollolahn saaka dhacay qayb ka ahaa, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda hoose.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com