Garoowe(GNA)-107 Qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen Roobab iyo Dabeylo is wata oo maalmihii ugu dambeeyay ka da’yay deegaan xeebeedka Puntland.
Khasaaraha ka dhashay Roobabkan ayaa isugu jirta Hanti aan tiro koob lagu hayn iyo Dad.
Dhul-xeebeedka ayaa ugu badan meelaha waxyeelada ay ka geysteen roobabkaasi, sida ay Saraakiisha dawladdu sheegeen.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiramaan Faroole oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa iclaamiyey xaalad deg deg ah oo lagula tacaalayo masiibada roobabku dhaliyeen.
Wuxuu sheegay in la magacaabay Qaran oo xaalada deg dega ah iyo badbaadinta dadkaasi loo xilsaaray, isagoo sheegay in gudigaasi ka kooban yahay, Wasaaradda, caafimaadka, Wasaarada arimaha gudaha, Wasaaradda qorshaynta iyo Hay'ada Hadma ee maaraynta masiibooyinka u qaabilsan Puntland.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay gacan ka geystaan gurmadka loo fidinayo dadka waxyeeladu halakeysay.
Tobaan kun oo ruux ayaa ku dhintay Duufaanta Haiyan oo todobaadkii hore dhamaadkiisii ku dhufatay dalka Filibiin, waxaanay khubarada Saadaasha Hawadu maalmihii ugu dambeeyay ka digayeen inay duufaantaasi soo gaadho deegaamo ka mid ah Geeska Afrika.
Kooxaha Saadaasha Hawada ayaa sheegay inay Dhulxeebeedka Puntland noqon karaan meelaha ugu daran ee Duufaantaasi laga dareemi doono.
Goboladda Waqooyiga ee Somaliland ayaa iyagana la sheegay inay ku soo fool leeyihiin Dabeylo xoogan.
Ilaa Maalinta Arbacada ee soo fool leh ayay Kooxaha Saadashu sheegeen inay Deegaamada Puntland ka da’yaan Roobab Dabeylo wataa.
Isbedel dhanka Cimilada ah ayaa laga dareemayaa inta badan Deegaamada Geeska afrika ee geyiga Somalida, sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha Goboladda Somaliya ee Gobanimonews.
Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa saaka lagu waa beriistay isbedel cimilo oo ka duwan tii shalay.
Cirka ayaa waxa ku xidhan daruuro waaweyn,kuwaasoo qariyay Cad-ceeda maanta.
Sidoo kale waxa da’ya Roob Cir Cadaadi ah oo dhibicdiisu aad u yartahay, Roobkaasi ayaa ah shuux yar oo aan hadana ilaa Duhurkii maanta kala go’in.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com