Wednesday, November 6, 2013

Ceerigaabo: Dawladda hoose oo Fagaare ku soo Bandhigtay Qalab Baahi weyn loo qabay


Ceerigaabo(GNA)-Qalab nooca lagu dayactiro waddooyinka ah ayay soo bandhigtay Dawladda hoose ee degmada ceerigabo, kaasoo bahi weyn uu qabtay degmadu.




qalabkan oo isugu jira booyado iyo 2 cagaf-cagaf  oo ah nooca wadooyinka lagu dhiso waxa saaka lagu soo bandhigay fagaraha beerta xoriyada ee nuura two.




Munaasibadaasi waxa ka soo qayb galay maayarka degmada  xildhibanadda g/deganka degmada cerigabo, gudomiyaha gudida wadadda gobolka, madax dhaqameed iyo qaar ka mid ah shaqalaha dawlada hoose.




Maayirka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ugu horayn halkaasi ka hadlay  faahfaahin qalabka iyo noocyada uu ka koobanyahay, isagoo xusay inu muhimada uu ugu fadhiyo degmo.




Xildhiban Qamar Mxamed Salaad oo ka mid ah Xubnaha deegaanka Ceerigaabo oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhaweynaayan agabkan, isla markaana bulshada ugu adeegi doonaan.




Waxa ugu danbayntiina hlkasi ka hadlay gudomiyaha gudaida wadada ee gobalka Sanaag  boqor maxamed boqor Axmed Cali Ducaale, kaasoo si weyn u boogadiyay  xildhibanada cusub ee gola ha deganka waxqabadka muuqda e ay soo bandhigeen.




Boqorka ayaa qurba jooga fariin cood dheer ah ugu diray inay   ka qayb qaatan dhismaha wadada Ceerigaabo  iyo dib u dhiska gobolkaba.




Axmed Cali Beenyo




Gobanimonews




Ceerigaabo Office