Monday, November 18, 2013

Guddoomiyihii Bangiga ee Iscasishay oo Muqdisho ku soo laabatay, xili siyaasaddu qasantahay


Muqdisho(GNA)-Warar laga helayo ilo-wareedyo looga qaateen ah ayaa sheegaya inay Magaalada Muqdisho ku soo laabatay Guddoomiyihii Bangiga Somaliya ee xilka iska casishay Yusur Abraar.




Ma cadda sababta ku soo celisay Yusur Shaqada balse Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, waxa la filayaa in Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha ay wada shaqayntooda dib u waajahdo, ka dib markii dawladdo shisheeye ah ay cadaadis ku saareen labadan masuul in Gabadhan shaqadeeda loo madaxbanaaneeyo.




Waxa la sheegay oo caawa Magaalada Muqdisho laysla dhex marayaa in Yusur ay ku sugantahay Xerada Xalane ee ku dhow Garoonka dayuuradaha, iyada oo ay weheliyaan saraakiil ajnabi ah,halkaasoo sida loo malaynayo ay ku degtay inta ay diyaarad kaga soo degtay Madaarka.




 Yusur Abraar ayaa muddo haatan bil ku dhawaad laga joogo ku dhawaaqday inay iska casishay xilka, ka dib markii ay faro gelin iyo hanjabaad kala kulantay ashkhaas qoyska Madaxweyneha ka soo jeeda oo doonayay inay lacago dawladdu leedahay gacantooda la soo geliyo.




Yusur ayaa todobaadkii hore All Afrika u sheegtay inay go’aankan qaadatay, ka dib markii loogu hanjabay inay khasab ku saxeexdo dhikumantiyo la xidhiidha lacagahaasi oo dadka doonaya inay la soo wareegaan ay ka mid yihiin Ganacsato garab ka helaya Ninka Pratocol-ka u qaabilsan Vila Somalia oo magaciisa la yidhaahdo Kamaal.




Hase ahaatee doodan iyo go’aanka ay gaadhay ayaanay dawladdu wax sidaasi u sii weyn uga soo qaadin, isla markaana ku tilmaantay arrin shakhsi ah oo aan dood badan u baahnayn, sida uu Gobanimonews u sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Yiriisow.




“qof xil loo magacaabay isagoo aan laba maalmood xafiiska joogin waa iscasilay, wax laga yidhaahdo ma garanayo, laakiinse dawladda waxa ka go’an inay horumarka ka shaqayso”ayuu yidhi Eng Yiriisow.




In kasta oo dood badan iyo dareemo kala duwan ka dhasheen iscasilaada Yusur, hadana hadal haynta inay ku soo noqonayso shaqada oo maanta dib uga soo cusboonaatay Muqdisho, ayaa imanaysa xili ay fiintu dhex miranayso Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha.




Taas ayaa marka la saadaaliyo caqabad ku noqon karta go’aan ka gaadhista arrinteeda oo saameyn xaga sumcadda ah ku yeelatay aqalka Madaxtooyada, maadaama dadka ay xilka uga tagtay lagu tilmaamay kuwo qoyska Madaxweynaha ka soo jeeda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com