Monday, November 18, 2013

Shaki Mise shaqo xumo?Falanqeyn: SCC Kalshaale


Madaxwaynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay guud ahaan Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dawladda. Kulankan oo Madaxwaynuhu ku xog-wareysanayey Agaasimayaasha Guud isla-markaana la isku waydaarsaday Afkaar la xidhiidha dardar-galinta hawlaha, iyo sidii loo tayeyn lahaa shaqooyinka Agaasimayaasha Guud hayaan, ayaa markii uu dhamaaday, waxa uu Madaxwaynuhu hadal kooban oo dardaaran ah u jeediyay Agaasimaasha guud ee Wasaaradaha dawladda.




Madaxwaynaha oo Agaasimayaasha la dardaarmayaana waxa uu yidhi “Wasiirka xilal badan-baa saaran oo guddiyo faro badan ayuu ku jiraa, laakiin Wasaaraddu cidday ku socotaa waa Agaasimaha Guud, ogaalkana ah, hawsha had iyo jeer u furfuran, wadashaqeyntuna aad iyo aad ayay muhiim u tahay, marka wadashaqeyn fiicani jirto ee aan la isku xad-gudbaynin oo Agaasimihu la tashanayo Wasiirkiisa ee uu ka dhageysanayo, ee uu waxa siyaasadda guud ah ku shaqeynayo”.




 Madaxwayne Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay “Agaasimayaashu, waa kuwa hawsha qaranku ku socoto, ixtiraam iyo qadarinna way ka mudan yihiin qaranka, hawshana in ILAAHAY kuligeen inoo fududeeyo ayaan ka baryayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan Jecelahay in tayeynta shaqada lagu dedaalo, haddii goor hore la isaga rawaxo shaqada, cidda ku ilaalinaysa shaqada (Shaqaalaha) waa Agaasimaha, waayo wasiirku wuxuu inta badan ku maqan yahay gobollada ama awaamiir kale, oo shaqadiisu waa siyaasi, laakiin Agaasimuhu waa xaqiiqo ahaan waa Madaxa Wasaaradda, markaa waxaan jecelahay in wadashaqeyn iyo wadatashi ka dhaxeyso ninka Wasiirka ah ee siyaasiga ah iyo ninka Agaasimaha guud ah, Agaasimuhuna sidaa xilkiisa haku ogaado, annaguna sidaas ayaanu kaga war-qabeynaa Iinsha Allaah” .




Madaxwaynaha Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay dhaliilaha xukuumadda kaga yimaada Mucaaradka iyo sida ay Agaasimayaasha waajibka ugu tahay inay umadda u soo bandhigaan waxqabadka iyo xaqiiqada taala xafiisyadooda “Marka siyaasadda laga hadlayo, waad aragteen oo intaa dibadda waa la innagu garaacaa, waa musuqmaasuq, Waa Balaayo iyo dhibaato ayaa la yidhaahdaa, cidda hawsha ku shuqul lihi waa Agaasimayaasha Guud, ma lihi Agaasimayaashu ha qaataan doorkii siyaasadda, laakiin cidda warka bixinaysa ee xog-ogaalka ahi waa agaasimayaasha, markaa Farsamo-yaqaano uun ha noqonina ee hogaamiyayaal ayaad tihiin, dadkii qaranka ka talinayey ayaad tihiin, waxgaradkii ummadda ayaad tihiin oo xilbaa idinka saaran, taana waa inaad xilkiina ka soo baxdaan, annaguna diyaar ayaanu idiin nahay inaanu talooyinka idinka qaadano”ayuu yidhi.




Kulankan Madaxweyne la yeeshay Agaasimeyaasha guud ayaa dareeno kala duwan laga bixiyay, waxaana ka dhashay dood badan.




Dadka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu ka shakiyay agaasimeyaasha guud inay bixiyaan sirta wasaaraddaha ay madaxda ka yihiin, halka qaarna leeyihiin wuxuu doonayaa inuu wada shaqayn dhow la yeesho agaasimeyaasha.




Dood kale ayaa iyaduna jirta oo odhanaysa madaxweynuhu wuxuu agaasimeyaasha ku boorinayaa inay xukuumadda ka difaacaan eedeymaha Mucaaridka.




Si kastaba ha ahaatee waa kulankii ugu horeeyay ee noocan ah ee dhex mara Agaasimeyaasha Guud iyo Madaxweynaha sanadkan gudihiisa.




Waxa ka horeeyay kulan sanadkii 2011-ka madaxtooyada ku dhex maray isaga iyo xubno badan oo ka mid ah agaasimeyaasha Guud, kuwaasoo xiligaasi ka cabanayay dhanka Mushaharka iyo gunnooyinka loo qoondeeyay oo ay qawadsanaayeen.




Hase ahaatee shirkan maanta dhex maray ayaa ku soo beegmaya xili dawladdu dhawaan soo bandhigay xeerka kala xadeynta Maamulka iyo Masuuliyiinta dawladda, kaasoo la filayo inuu wax badan ka taro is dhex yaaca iyo kala dambeyn la’aanta madaxda Hay’addaha dawladda.




Inkasta oo la sheegay in Agaasimeyaasha badankoodu madaxweynaha uga ashkatoodeen wasiirrada, iyagoo kaga cabanaya xaga maamulka iyo doorkooda shaqo oo ay faro gelini kaga timaado dhanka wasiirrada, hadana arrinta ugu muhiimsan ee meesha ku jirta ayaa ah dardaaranka madaxweynuhu sida uu wax uga bedeli karo hanaankii hore ee jiray.




Taasi waxay ku xidhantahay hadba sida ay agaasimeyaashu uga midho dhaliyaan  talooyinka loo jeediyay, isla markaana wasiirrada uga helaan Ixtiraam ka duwan sidii hore.




Waxaana xusid mudan inay dhawr jeer soo noqnoqdeen Khilaafyo ka dhexeeyay agaasimeyaal guud iyo Wasiirro xukuumadda ka tirsan, kuwaasoo laga xusi karo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda iyo wasiirkiisa oo dhawaan isku dhacay, Agaasimihii xilka laga qaaday ee duulista hawada iyo wasiirka wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga iyo Guddoomiyaha Bangiga.




Masuuliyiintaasi ayaa dhawr jeer soo kala dhex galay khilaafka dhanka Maamulka ahi, kaasoo sababay wada shaqayn la’aan iyo in agaasimeyaasha qaarkood xilka laga qaado, sidii kan duulista Hawada oo bishii hore la erayay.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com