goluhu wuxuu mudo kooban ku codsanayaa ina horkeeno sababtii loo xidhay si yna mar dambe u dhicin ina si dhibyar loo xidho mudane .”ayuu yidhi mayerka degmada gabiley....
Gabiley(GNA" Xildhibaanada golaha deegaanka degmada gabiley, oo maanta yeeshay kalfadhi aan caadi ahayn oo lagu naaqishaayey sababtii ay ciidmada boolisku ku xidheen xildhibaan xasan dhagjar, oo ka mid xildhibaanada golaha deegaanka oo dhawaan cidmada boolisku xabsiga dhigeen.
Kalfadhigani oo ay kazoo qayb galeen 18 xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka gabiley, waxaney kulan albaabadu u xidhnaayeen ku qaateen hoolka shirarka dawlada hoose ee degmada gabiley, markii shirkaasi soo dhamaadey ayaa xildhibaanada iyo shir gudoonkooguba ay warbaahinta la Hadley ayaa ciidmada booliska ka codsadey ina mudo 48saacadood ah ay ku cadeeyaan sababtii loo xidhay xildhibaanka.
Waxaan halkaasika Hadley maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse oo ay hareero fadhiyaan xildhibaanada golaha deegaanku, waxaanu ka dhawaajiyey ina goluhu kalfadhigan aan caadi ahayna ay ku ansixiyeen ina boolisku sida ugu dhakhsaha badan ay cadeyn u horkeenaan golaha waxaan hadaladiisii ka mid ahaa”golaha degaanka degmada gabiley maanta wuxuu yeeshay kalfadhi aan caadi ahayn isaga oo gudanaya wajibadkiisa shaqo, arinta lagaga wada hadlayeyna waxay ahayda arintii xadhigii xildhibaan xasan ee ay kula keceen ciidamada boolisku ,markaa go,aanka uu goluhu gaadhay waxa weeyi, guluhu waa gulihii la soo doortey , waa gulihii bacadka loo taagnaa runtiin tacab u madeedayuu kusoo baxay, qaabka
iyo shuruucda loo marayana sharciga ayaa qeexay,hadii mudanuhu dambigalo iyo hadii qof shacbi ah uu galoba,wxaanu u arkeynaa xadhiga xildhibaanka khalad iyo arin aan qaban golaha iyo xldhibaankaba, waxanu guluhu isla qaatey ina jawaab deg deg ah laga bixiyo, golahana la horkeeno cadeyntii, goluhu wuxuu mudo kooban ku codsanayaa ina horkeeno sababtii loo xidhay si yna mar dambe u dhicin ina si dhibyar loo xidho mudane ka tirsan golaha deegaanka, waxaan kusoo gabogabaynayaa ina mudo 48saac ah la helo wixii lagu xidhay mudanahasi.”ayuu yidhi mayerka degmada gabiley
kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xili ay dadwaynaha reer gabilay ka dhawrsugyan natiijada kazoo baxda kalfadhigan, xildhibaankani oo noqonaya xildhibankii ugu horeeyey ee ka tirsan golaha deeganka gabiley ee la xidhay.
GOABANIMO NEWS
Gabilay office