GNA-Xarakada Al-Shabaab ayaa hogaan cusub u magacaabay Gobalada Baay iyo Bakool halka isebdel lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobalada Baay iyo Bakool ee Ururka Al-Shabaab.
Munaasabad ka dhacday shalay galab Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay ayaa waxaa xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii hore ee Ururka Al-Shabaab Gobalada Baay iyo Bakool Sheekh Mahad Cabdi Kariim, iyada oo halkaasi looga dhawaaqay hogaanka cusub ee xilkaasi loo dhiibay.
Guddoomiyaha cusub ee Ururka Al-Shabaab Gobalada Baay iyo Bakool ayaa loo dhiibay Sheekh Cabdullaahi Geeddoow Abuu Farxiya oo ka tirsan saraakiisha Ururka Al-Shabaab.
Lama sheegin sababta xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Al-Shabaab Gobalada Baay iyo Bakool.
Gobalada Baay iyo Bakool ayaa Al-Shabaab maalmahan dambe waxa ay xarakadu kala kulmayeen guuldarooyin ku toosan dhanka dagaalka .
sida wararku sheegayaan ayaa maalin shalay dagaal xoogan ay ku soo qaaday dawlada kiinya taas oo ay sheegeen ciidamada kenya in ay halkaa kulaa yeen Mujaahidiin badan oo ka tirsan xarakada Al-shabaab.
dagaalkaa oo ahaa mid xaga cirka lagu duqeeyay wararka ka imanaya goboladaa ayaa waxa lagu soo waramayaa ciidamada kenya in ay laayeen dad shacab ah iyo tiro aan la xaqiijin oo xarakadaa ka tirsan.
xilkaqaadida hogaankaa ayaa loo aaneynayaa in ay ka danbeysay foojig la,aanta hogaanka baay iyo bakool.
Gobanimonews-Desk