Saturday, November 2, 2013

Kismaayo: Madaxweyne Xasan Sheikh qaab Maldahan u Dhaliilay Dhismaha Jubaland, Reer Kismaayo-na runta u taabtay


Kismaayo(GNA)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bulshada reer Kismaayo u Iftiimiyay in Khaladaad siyaasaddeed ku jiray habkii lagu doortay nidaamka Jubaland Bishii June, isla markaana siyaasaddo badani ka dhex guuxayeen.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hadalkan sheegay shalay mar uu Jaamacadda Kismaayo kula hadlayay boqolaal ka mid ah Dadweynaha Magaaladan ku dhaqan oo booqasho ku tegay maalintii Khamiista.




"Hoolkan sagaal bilood wixii ka socday wax xun ayay ahaayeen aniga ma dhihin, siyaasad waa iska halkeeda laakiin dad Soomaaliyeed oo Salaadiin, dhalinyaro, odayaal iyo culumaa'udiin iyo dad sharaf leh isugu jiraan oo meel isugu yimid ma xumaan karto, laakiin waxyaabo qaar oo siyaasadeysan oo hoos ka jiray ayaa jira"ayuu si kaftan ku jiro u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka wada qosliyay dadkii hoolka ku sugnaa.




Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Reer kismaayo u sharaxay habka lagu gaadhi karo dawladnimo taam ah iyo kala dambeyn dalka ka hana qaada.




 "Aniga Jamhruuiyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne ka ahay, Madaxweyne waxaa dalka ka noqon karaa marka maamul, degenaansho, amni iyo dowladnimo ka jirto dadka ay ku hoos nool yihiin sharci iyo kala dambeyn"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.




Waxaanu intaasi ku daray "nidaamka Federaalism-ku  waxay maanta  Xasan Sheekh dowladda uu madaxda ka yahay, Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiiradiisa ka hadli karaan oo qaloocin karaan maahan, Waa arrin is faham iyo heshiis siyaasadeed horay looga soo gaaray, waa arrin dastuurka ku qoran, marka ma jeceshahay iyo ma jecli ma ahan ee waa mandate la fuliyo oo cad ay tahay".




Madaxweynaha ayaa sidoo kale reer Jubo iyo bulshada Gobolkaba u iftiimiyay in xal u helida mushkilada somaliya tahay isfaham siyaasadeed.




"Dalka Federaal in laga dhigo waxay daawo lagu daweynayo u tahay mushkilaadka Soomaaliya heysta. Daawada sideeda waa inaad sidii dhaqtarka kugu faray u qaadataa, ee ma ahan in sida aan laguugu farin u cunto, sida loogu tala galay in Soomaaliya u daawoota u rabnaa wadadeeda loo maro. Laakiin inta ay quseyn doonto waa inta naga dambeyn doonto kuwa dhalan doono, wax aan maanta wax u beereyno, waqti ha nagu qaadato culeys iyo is qab qabsi waa dood furan waxaa rabnaa inaan nidaam federaal dalkan ka dhisno mustaqbalka Soomaaliya nidaam ku saleysan oo hal ah oo aan la kala tagi karin inaan sameyna rabnaa"ayuu Madaxweynuhu yiri.




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com