Muqdisho(GNA)-Shir jaraaid oo maanta ay ku qabteen madaxda heyadda culimada soomaaliyeed magaalada muqdisho, waxa ay kaga hadleen dhawr qodob oo ay ka mid yihiin duufaaanada iyo dabeeylaha ku dhuftey gobolka bari, dagaal beeleedyada ka soconaya gobolka shabeellada dhexe iyo khilaaafka madaxda sare ee dowladda soomaaliya.
Guddoomiyaha heyadda culimada soomaaliyeed sheekh bashiir axmed salaad ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo ganacsatada soomaaliyeed in ay gurmad u fidiyaan walaaalahoooda soomaaliyeed ee musiibadu ku dhufutey ee ku noool gobolka bari ee maamulka puntland.
Sheekh bashiir axmed salaad ayaa sheegay in dadkii ku geeriyoodey dabeylaha iyo duufaanada ku dhuftey deegaanadaasi ay yihiin dad shahiidiin ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku tilmaaamey wax laga naxo dagaallada dadka badani ay ku dhinteeen ee ka soconaya duuleedka magaallada jowhar ee gobolka shabeellada dhexe.
Dhinaca kale guddoomiaye ku xigeeenka hay’dda culimada soomaaliyeed sheekh nuur baaruud gurxan oo ka hadley shirkaasi jaraaid ayaa ku tilmaaamay nasiib darro iyo musiiba qaran khilaafka ka dhex jira madaxda sare ee dowladda waxaana uu ugu baaqey madaxda dowladda in ay soo afjaraan khilaafkaasi isaga oo tilmaaamay in ummadda soomaaliyeed ay ka soo daashey khilaaaf siyaasaded oo u dhexeeeya madaxdooda.
Sheekh nuur baaruud ayaa sidoo akale soo hadal qaadey dagaallada ka taagana gobolka shabeellaha dhexe kuwaa oo u dhexeeya beello walaallo ah oo wada dega gobolkaaasi waxaana uu ku tilmaaamay nasiib darro sii socoshada dagaaladaasi oo ay ku dhinteeen dad badan .
Sidoo kale waxaa meesha ka hadlay sheekh c/qaadir soomow afhayeenka ahulusuna waljamaaca iyo gudoomiya golaha beelaha hawiye nabadoona xasan maxmed xaad dhaamaantood waxay sheegeen in lama huraan ay tahay in dadka dhibaateysan loo gurmada meelna leyska dhigo khilaafaadka.
Ugu danbeeyn shirka saxaafadeed ayaa lagu magacaabey guddi ka koooban 5 xubnood oo wax ka qabata duufaannada ku dhuftey gobolka bari iyo fatahaadqa shabeelada dhexe iyo waliba dagaalada ka soconaya.
Gudigaan ayaa wax ka aqriyay meesha dr maxamed xaaji gudoomiyaha ururka al-islaax waxa ayana ahaayeen xubnaha sida tan.
Sheekh bashiir salaad gudoomiye iyo xubnaha sheekh c/qaadir soomow sheekh nuur baaruud gurxan, sheekh axmed siyaar iyo sheekh yuusuf jimcaale tuurxume.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com