Burco(GNA)-Suldaaan Maxamuud X.Xuseen Nuur oo ka mid ah salaadiinta waawayn ee Gobolka Togdheer ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco.
Suldaan Maxamuud X. Xuseen oo Beryihii ugu danbeeyay ilaa mudo dhawr sano ah dalka kaga maqnaa dhinaca ingiriiska ayaa soo dhawayntiisa saaka waxaa ka qayb qaatay Salaadiin,Cuqaal,Xildhibaano iyo dadwayne kale oo aad u fara badan Kuwaas oo kaga hor tagay degmada qoyta oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Burco.
Suldaanka ayaa lagu soo u soo wareejiyey daafaha magaalada Burco,iyadoo ugu danbayntii lagu dajiyay Gurigiisa.
waxaanu Suldaan Maxamuud isagoo shucuur farcxadeed ka muuqato aad ugu mahadnaqay dadwaynihii soo dhaweeyay iyo Guud ahaanba shacbi waynaha reer somaaliland.
'Waxaan aad ugu mahadnaqayaa nabadgelyada uu illaah igu keenay dalkii hooyo iyo magaaladaydii,dadwaynahan iga hor yimina ee wakhtigii iisoo huray ee bacadka iyo kulaylka jooga aad baan ugu mahad naqayaa ,shucuurtayduna aad bay u saraysaa.Mar danbe ayaan wixii aan sheegayo sheegayaa oo aan hadli doonaa insha allaah”ayuu yidhi.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office