Haweenka iyo tahriibta ayaad mooda in baryahan dambe is soo baranayaan, adiga oo maqalaya haween badan oo uu sii jeeda dhinaca tahriibka.
waa uu dareeemi kara qof kasta marka uu maqalo tahriib waxaa uu garanaya dhibaatada uu leeyahay tahriibku, run ahaantina maha shay fudud tahriibku, maxaa yeelay waa socdaal sharci darro ah oo aan fiicnayn akhira iyo aduunyada toona, maxaa yeelay waxaa uu ilahay subxaana waa tacaale uu ku sheegay quraankiisa in qofka ku dhintaana uu yahay ehelu naar.
Habada Haweenka oo iyaguu sharaf, cisi iyo karaamo intaba leh ayaa la arkay in badan oo u hanaqal taagaya wadamada shiisheeye, sida qaarada yurub iyo wadanka sucuudiga oo inta badan ay haweenku uu tahriibaan.
hadaba su’aasha is waydiinta leh ayaa ah haweenku ma uu adkaysan karaa dhibaatooyinka tahriibka?.
Marka uu qofku tahriib uu dhaqaaqo waxaa uu si marayaa dhul aad u dheer oo ay ka jirto nolol aad u qalafsan iyadoo oo ay dadku maraan saxarha aadka u balaadhan ee u dhexeeya wadamda suudaan iyo liibiya.
Sidaasi darteed haweenka ayaan iyagu u adkaysan Karin dhibaatadaas, maxaa yeelay ilahay sxwtcl waxaa uu raga iyo dumarka uu kala siyay xuquuq gaar u ah mid walba.
Waxa ayaan darro ah in haween badan ay ku qaraqmeen badwaynta taasina waxay hoos u dhigayasa sharafta haweenka soomaliyeed, waxaana dhibaatooyink gaarka ah ee haweenku kala lulmi karaan tahriibka ka mid ah:-
1 waxaa suro gal ah in haweenka laga dhaco maalkood
2 in lagulo kaco falal xun-xun sida kufsi
3 waxaa dhici karta in ay xidhaan cawaniintu
4 waxa dhic kara in ay haweeku caqabaddo kala kulmi karaan xaga socodka.
Haweenka iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan tahriibtu maha akhristee mid lagu soo koobi karo qalin iyo waxa la mid ah, maxaa yeelay waa uu dareemi karaa qofkasta marka uu cidhidhiga ka jira jidka iyo isbarbar dhigo.
Haweenka waxay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhinaca bulshada dhexdeeda mana haboona in haweenka lagu daawado si dhayal ah dhibta intaasi le’eeg.
Balse waxa loo baahanyahay inay bulshda dhammanteed culimo aw diin, madax, dhalinyaro, iyo waalid sidii looga wada qayb qaadan sidii haweenka loogga hor istagi lahaa tahriibka, looguna dhiiri gelin lahaa dhinaca waxbarshada, suugaanta iyo wax kasta oo ay kaga maarmaayaan tahriibka.
Haweenka oo mustaqbalkoodu hagaaga waxa hagagaaya dhammaan nolosha iyo musqabalka dhow, maxaa yeeelay? halka uu inanku bulshada kaga jjiro iyo halka ay inantu kaga jirto waa laba aad u kala fog oo farqi weyni u dhexeeyo.
Inantu waxay inta badan dhex joogtaa qoyskii oo ay wanaagiisa iyo xumaantiis ta gacant ku hysa waa iyada.
hadaba akhristaha sharafta lehoow waa kee dariiq ugu haboon ee lahu gaadhi karo in haweenka laga hor istago tahriibka?
Kuwan ayaan ku tilmaami karnaa:-
1 waa in hoos loo dhiga xadiga guuurka kor u sii kacya
2 waa in haweenka lagu dhirigaliyaa waxabarshada
3 waa in ay waalidku caadaadiska waxbarsho ee waalidinta qaarkood ku hayaan Hablaha ay ka ilaaliyaan.
Qodobaadas iyo kuwo kale oo badan waa dariiq kaliya ee haweenka lagaga badbaadin karo khatarta Tahriibka.