Friday, November 15, 2013

Dhalinyarada shaqo doonka ah iyo dhacdooyinka ay xafiisyada kala kulmaan”Warbixin


Waxay cadadkeenii hore kaga hadlay horumarka ay dhalinyarada ka gaadheen aqoonta iyo mudadooyinii u dambeeyey inay waxbarashadda Somaliland sare martay, taasina ay keentay inay kumanaan dhalinyaro ahi ay dibadda iyo gudahaba ka soo qalinjabiyeen, isla markaana sanad kasta illaa sadex kun oo arday ka soo baxaan jaamcadaha dalka ku yaalla.




Dhalinyarada jaamacdaaha ka soo baxaya xukuumaddu uma samayn qorshe iyo nidaam lagu hago, taasina waxay keentay inay qaarkoodna tahriib miciin moodaan, qaar kalana wali ku gacan jiraan caawimadii waalidkood, kuwaas oo aroor walba ku kalaha xafiisyada dawladda.




Waxaad aroortii arkaysaa wiilal dhalinyaro ah oo jaamiciyiin ah oo maalin kasta booqanaya xafiisyada dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay fursad shaqo uga helaan, haseyeeshee xafiisyadda ay booqanayaan waxay ka qaadaan niyad jab marka ay arkaan musuqmaasuqa ka jira  qaabka shaqooyinka loo helo iyo sida garashada leh ee la isku shaqaalaysiinayo.




Inta badan marka ay aroortii soo maraan xafiisyada dawladda waxay iskugu yimaadaan makhaayadaha lagu sheekaysto oo iyaga marna aanay boos  ay fadhiistaan ka waayin, waxayna halkaasi ku soo bandhigaan waxyaalaha ay la kulmeen iyo dhibaatada ka jirta shaqo helista.




Mid ka mid ah dhalinyaradda shaqo doonka ah ayaa saaxiibadii uga  waramay waxa uu ku arkay xafiis uu booqday, waxaanu yidhi “saaka waxaan tagay xafiiskii wasaarad heblaayo (Aniga qariyey magc wasaara laakiin wiilku magaca wasaarada wuu sheegayey),  anigoo fadhiya waxa soo galay  agaasime, waxa uu la hadlay agaasimihii wasaaradda kale ee uu u yimid, waxaanu ka codsaday inuu u dhameeyo hawl ay isku ogaayeen, agaasimihii kalena waxa uu ugu jawaabay waan dhameeyee kaygii ma dhamaysay”




Waxaan waydiiyey wiilkii arrintan ka sheekaynayey  labadda agaasime ee wada hadlayey maxay dhameeyeen ee ay sheekaysanayeen, waxaanu ii sheegay inay ka wada hadlayeen shaqaalaysiin dad ay garanayaan oo midba mid ka kale shaqaale u shaqalaysiinayo, isagoo ii sharaxaya waxa uu ii iftiiyey nidaamka cusub ee la isku shaqaalaysiiyo ee qarsoodiga ah, waxaana qaabab casriyeysan oo eex iyo cadaalad daro ku dhisan oo la diidayo in aanay dadku ogaan.




Labadan agaasime ee wada hadlaya ayaa shaqaale is waydaarsanaya, agaasimaha wasaaradan jooga waxa uu inamo ay isku xaafad yihin u geeyey agaasimaha wasaarada kale, halka agaasime kalana inamo reerkooda ah agaasimahan ku balaminaya, iyagoo ujeedadu tahay si aan loo odhan xafiiskiisa wuxuu keenay inamo ay isku reer yihiin ayuu ugu xawilay wasaarad kale, halka isagana loo soo xawilay inamo kale.




Qaabkan waa qaab cusub oo masuuliyiinta dawladu hadda u dhaqmaan, masuuliyiinta qaar ayaa ka baqda inay xafiiskooda qoraan inamo ay isku xaafad yihiin, sidaa darteed ayuu agaasime kale iskugu waydaarsanaya oo uu odhanaya ana laba qof ii qor ana laba qof ii keenso oo aan is waydarsano, arrimaha noocaas ah ee cusub waa waxyaalaha ay dhalinyaradani indhahaagoo ku soo arkeen, waayo inta badan dhalinyaradu waa saaxiibo, isku xaal warama, saaxiibkii oo qaabkan lagu shaqaalaysiiyey ayaa uga waramay saaxiibkiisa kale, taasina waxay keenaysa in sidaas lagu ogaado.




Nin dhalinyarada  shaqo doonka ahi waxa uu saaxiibadii uga waramayaa in isagoo xafiiskii ku jira la kala jaraya shaqooyinka xafiiska  uu shaqada ka rabay, isagana maalin walba lagu yidhaa waxba ka jiraan ee iska tag, halka maalinta dambana uu ugu yimaado wiilal cusub oo laga yaabo inay is garanayaan.




Wiil kale ayaa isaguna ka waramay dhacdo kale oo uu xafiis uu shaqo ka rabay ku arkay, waxa  uu ii sheegay in isago xafiiskiisa fadhiya oo raba inuu la kulmo wasiir uu soo galay nin xildhibaan ah oo wata nin dhalinyaro ah oo CV-yadiina gacantiisa ku wada, ka dibna isaga laga hor marinayey xildhibaankii iyo inankii la socday, isagoo saacado badan saf ugu jiray inuu mar uu arko wasiirka, haseyeeshee markii uu arkay in Xildhibaanku uu wado nin uu dib iskaga soo noqday, isagoo niyada ka leh mar hadii uu xildhibaan CV-wada ka horgalay isaga mudnaanta kowaad la siinayaa oo booskii banaanaa la galinayaa, lana tixgalinayaa ee candhuuftaada dib iskaga liq.Sidaasna waxa  iigu waramay nin dhalinyaro ah oo magaciisa Aadan igu sheegay kana yimid jaamacad ku taalla Malaysia, waxa uu inankaasi ii sheegay in sanadkan nin aan siyaasi caan ah ama xildhibaan ama masuul laga haybadaysanayo wadan aanu shaqo helayn, sidaa darteed uu qofkii kale nasiibkiisa sugayo inta uu ilaahay faraj u farayo.




La soco cadadka dambe