Borama(GNA) Waxa kor u sii kacaya baaxada uu leegyahay qasaaraha ay roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gobolka Awdal kaga tageen degaano badan oo gobolka ah, meelaha ugu badan ayaana waxa ay yihiin degmada Lughaya, kuwaas oo tirakoobkii u dambeeyay ee la sameeyay uu sheegayo in qasaarahu uu aad ugu badan yahay intii la filayay.
Maayarka Lughaya Md. Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood oo khadka taleefanka ugu waramay shabakada ayaa sheegay in qasaaraha dhimashada xoolahu uu kor u dhaafayo dhawr iyo toban kun, waxana uu yidhi “xoolaha ugu badan ee dhintay waa adhiga iyo dameeraha kuwaas oo kur u dhaafaya 12kun oo neef, halka in ka badan 500 oo neef oo geel ahna dhimashadooda la tiro koobay, waxana sababay dhimashadan xoolaha qabawgii xooganaa ee la soocday roobabka oo da’ayay mudo dheer iyo gaajo xoolaha ugu biirtay”
Sidoo kale maayar Dixood waxa uu ka dayriyay xaalada dad badan oo ay barakiciyeen roobabku waxana uu yidhi “Dad badan ayay roobabku ka dhigeen dibad-yaal barakacsan, waxana ay xaalada dadku tahay mid aad u loodata, waxa ay waayeen guryahoogii kadib markii ay roobabku burburiyeen guryahii cooshadaha iyo bacaha ka samaysnaa markii horaba, waxana ay dadka badidiisu ku soo ururreen goobaha dugsiyada, cisbitaalada iyo dhismayaasha kale ee dawlada, waxana ay xayireen gabi ahaanba shaqadii ka socotay goobahaasi”
Maayar Dixood waxa uu ku celiyay qaylo dhaan balaadha oo uu gaarsiinayo xukuumada iyo madaxda hayadaha gargaarka waxana uu yidhi “Ma jiro wax gurmad ah oo wali soo gaadhay degmada, waxana aan sheegayaa in baahida ugu badan maanta loo qabo bustayaal iyo bacaha roobka celiya maadaama oo ay jirto dhaxan xoogan isla markaana laga baqo qabo in roobabku ay mar kale dib u curyaan”
Dhinaca kale qasaarayaal aanan ila hada la tiro koobin ayaa laga soo sheegayaa degmooyinka kale ee gobolka Awdal, kuwaas oo u badan dhimasho xoolo iyo burbur kale oo dhinaca guryaha ah, sidoo kalena waxa gabi ahaanba burburay kaabayaashii nolosha ee ay wadooyinku ugu mudnaayeen kuwaas oo gabi ahaanba xadiday gurmadkii loo diri lahaa goobahaasi.
Xaalka sidan ah iyo qasaarahaas ay qaylo dhaantu la socoto ee maalinba maalinta ka dambeeyay isa soo taraya ee ka soo bilaabmay mudo haatan laga joogo 4 maalmood ayaanay jirin wax hadal ah oo ka soo yeedhay Maamulka gobolka Awdal oo ku aadan inuu ka hadlo qasaarahan gobolka ku habsaday, waxana ay dad badani dhaliilsan yihiin waxa afka ka xidhay maamulkii gobolka ee uu uga masuugay inuu ugu yaraan qaylo dhaan ka diro qasaarahan ku habaday dadka gobolka Awdal oo maanta u baahan in qaylo dhaantooda la gaarsiiyo xukuumada dhexe, hayadaha gargaarka, qurbojooga iyo bulshowaynta caalamka si loogu soo gurmado.
Si kastaba ha ahaatee maalintii shalay ayay ahayd markii Badhasaabka gobolka Awdal iyo wafdi uu hogaaminayaa ay tageen magaalada Baki, isla markaana ay ka soo laabteen iyaga oo aan soo kormeerin qasaaraha ba’an ee la sheegay inay roobabku u gaysteen degaanka Cali Xaydh oo degmadaas ka tirsan.
Hadii sidan xaal yahay waxa ay dad badan oo ku nool gobolka Awdal u arkaan masuuliyiinta maanta ee gobolka kuwo u jajaban ka hadalka arimaha siyaasada isla markaana ku guul daraystay ka dareen celinta arimaha bini’aadanimada
Gobanimo news.com
Borama office/somaliland