Muqdisho(GNA)-Shirkii Golaha Wasiiradda ee todobaadlaha ahaa ayaa qabsoomay, waxaana lagu meelmariyay dib u hawl-gelinta Jaamacadda Umadda Somaliyeed ee Magaalada Muqdisho.
Shirka todobaadkan ayaa ku soo beegmay xili Khilaafka Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaruhu cirka isku sii shareeray dhawrkii Maalmood ee ugu dambeeyay.
Khilaafka labada Masuul ayaa u muuqda inuu saameyn ku yeeshay Xukuumadda, isla markaana kala qaybiyay Golaha wasiirrada.
Xubno ka mid ah Golaha wasiiradda oo la safan dhanka Madaxweynaha,Ayaan ka soo xaadirin shirka todobaadlaha ah Maaanta.
Xubnahaasi waxa ka mid ah raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.
Saraakiisha Dawladda ayaa xaqiijinaya inay xaalada khilaafku halka ay maraysaa ku sii siqayso in wada shaqaynta xukuumaddu istaagto, hadaan dhakhso xal looga gaadhin muranka labada masuul.
Ergooyin maalmihii ugu dambeeyay isaga dab qaadayay labada Masuul oo dhexdhexaadin ku hawlan, Ayaan ilaa hada wax natiijo ah gaadhin.
Madaxweynaha ayaa doonaya inuu Reysal-wasaare Shirdoon baneeyo Kursiga, halka Saacid shirdoon u arko taasi arin suurto galnimada ka fog, khaladna ku ah Dastuurka.
Shalay mar uu hadlay Reysal-wasaaruhu wuxuu sheegay inay xukuumaddu kalsoonida Baarlamanka heli karto.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com