Burco(GNA)-Dawlada Hoose ee Magaalada Burco ayaa maanta Olole wado banyan ah ka Bilawday xaafada Garbada ee Magaalada Burco.
Sidoo kale waxay maamulka Dawlada Hoose xadhiga ka jaeen qaybo ka mid ah wadooyin laga Hirgaliyay Mar-markii lagu Horumarinayay Bilicda Magaalooyinka ee uu amarka ku siiyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali warancade.
Hawlgalkan Maanta oo ay Hor kacayeen,Maayar ku xigeenka Mgaalada Burco Mr-Muxumed xasan jaamac Xoday iyo Xoghayaha Degmada Burco Cismaan Maxamed Cismaan, ayaa dadwaynaha reer Burco loogaga baaqay inay Bilicda Magaalada Ka qayb qaataan.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Burco mr-xoday oo hawlgalkaas ka hadlaya ayaa sheegay''wadadaas maanta aanu banaynayno waa wadadii ceelka Bukhleeya kasoo Bixi jirtay waana wado muhiim u ah Booyadaa Biyaha,dadka ayaa dhagaxaan ku jaray waanan sii wadi doonaa,wado banaynta iyo Bilicda magaalada”ayuu yidhi.
Xogahayaha Dawlada Hoose oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada hawlahan socdan ''hawlgalkan saaka waxa weeye inaanu ka shaqayno Bilicda magaalada Burco oo aanu hirgalino inaanu faras-magaalah ka samayno marmar meel wacan way noo maraysaa,sidoo kale waxaanu fulinaynaa saaka wado banayn, waxaan leeyahay dadwaynahaw wadada dhagaxa ka daaya waxaan fool xumo ahayn oo uu leeyahay ma jirto e.
Mida kale Biraha laydhka ee sida Foosha Xun wadooyinka u jaray iyo Xadhkahaba waa in la mariyaa dhulka Hoostiisa oo sida caalamka oo kale laga dhigaa sidii uu wasiirku sheegay,waxaan shirkadaha ugu baaqayaa inay ka Furtaan hadii ay awaamiirtaas u hogaansami waayaan waanu ganaaxi doonaa.
Xildhibaan farxaan oo ka mid ah Golaha Deegaanka Burco, ayaa sheegay inay sanadkan bilaamayaan sidii magaalada marmarka ku dhamaystirayaan,waxaanu intaasi ku daray in inay Golaha deegaanka ee hada shaqaynayaa magaalada uga tegayaan qurux iyo bilic wanaagsan.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office