Burco(GNA)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Burco ayaa shi jaraa'id oo ay magaalada Burco ku qabteen waxay eedayn u jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Gobolka Togdheer Axmed Cumar xaaji C/laahi, waxaanay ku eedeeyeen inuu Faragalin ku hayo shaqadoodi.
Xildhibaanada ayaa tilmaamay inaanu Gobolkan u qalmin isla markaana sheegay inay wax wada shaqayn ahi aanay ka dhaxayn iyaga iyo Gudoomiyaha Gobolka,waxaanay xukuumada ugu baaqeen in la soo kala gaadho isla markaana loo soo magacaabo Badhasaab kale oo ay wada shaqeeyaan.
Xildhibaan Rashiid Faarax oo ugu Horayn shirkaas jaraa,id ka hadlay ayaa yidhi''.,waxaanu halkan ka sheegaynaa arin culus oo Gobolka kusoo koradhay,mar hadii meel la joogo oo maamul ka jiro waa in lawada shaqeeya wada shaqayntuna waa daruuri,hadii ay wada shaqayntu luntu waxaa luma haanaanka maamul,Tobanka Bilood ee aanu meehs wada joognay ee aanu ka gole ahan joognay waxaa jirtay wada shaqayn la,aan dhacdadii sagaalaad ayaa dhacday isagaana u sabab ahaa, badhasaab Xamarji waxaa iska dhex galay maamulkii heer Gobol iyo ka degmo,sidaa awgeed waxaan u sheegayaa masuuliyiinta qaranka siiba wasiirka Arimaha Gudaha inaanan wada shaqayn karayn Badhasaabka Gobalka Togdheer Xamaji hadii aanu nahay Golaha degaanka degamada Burco taasina waxa aya daawacaysaa horumarkii Gobolka Togdheer.
Xildhibaan siciid Axmed Raage oo shirkaas jaraai,id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi''shacbka reer Burco iyo dawladaba inaanay wadashaqayntayadu sii socon karin maanta duruufo badan baa jira ee maaha mid hanankara xiligan jooga,u wari mayno shacabka reer burco waxaanu leenahay arintan si fiican haloo soo fara galiyo.
Xildhibaan Maxmed Tuurtuur ayaa isna yidhi''hadii aanu anaay Xildhibaanadii umadu soo dooratay aniguna waxaan ahay Gudoomiyaha Gudiga Nabadgelyada ee Golaha degaanka, Badhasaabka Gobolka Togdeer ayaa shaqadayaadii hortaagan oo arintii degmada Culays buu ku hayaa,Tobankaas sanadood ee aanu joognayba wanu ka xishoonaynay in la ydhaahdo madaxdii degaanka iyo Gobolkii baa is haysta.
Xildhibaan Farxaan Cabdi Aw xirsi ayaa isna yidi''maalin waba waxaanu ku jiray intii aanu joognay caqabad maalin walba nagaga imanaysa Xafiiska Badhasaabka,waxaa dacda Gudida Fulinta ee degmada Burco inuu yidhaahdo xafiiska iiga baxa ,waxaa jirta wada shaqayn la,aan naga dhaxaysa anaga iyo badhasaabka,hadii ay magaalada Burco wax ka dhacaana cida dhabarka u dhigtaa waa anaga,anagoo ku ixtiraamayna isaga,waxaan ku baaqayaa xukuumada ilaa heer madaxwayne arintaas hadii aan wax laga qaban,qayladeedu waxay idiinku soo galaysaa madaxtooyada,
Xildhibaan Axmed Afyare ayaa Badhasaab Xamarji ku tilmaamay inaanu Gobolka u qalmin,Badhasaabkani waa badhasaab aan A ahayn ee C ah,waxaanu leenahay Nin jeel laga soo daayay ayaa la yidhi waa idiin Badhasaab,markuu qofku badhasaab yahay waa inuu dadka isku wadaa,waa in badhasaab dadka isku wadi kara naloo soo magacaabaa.
Xildhibaan C/kariin,Xildhibaan Xirsi Indho,Xildibaan kayse,Xildhibaan Diigool,ayaa iyana dhamaantood sheegay inay arintan kuwada socdaan oo aanay la shaqayn karayn Badhasaab Xmarji.waxaanay sidoo kale eedayn usoo jeediyeen dawlada dexe oo ay ku eedeeyeen inaanay waxba ka qaban xadhigii xildhibaanada Golaha degaanka Gabilay.
Gudoomiye Ku xigeenka Golaa Degaanka Burco ahna Kusimaha Duqa degmada oo isagana dhiniciisa la waydiiya bal inuu wax ka ogyahay wad shaqaynla,aanta ay sheegeen inay jirto ayaa sheegay inay jirto waxaanu ku baaqay in lasoo dhexgalo arintan.
dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo aanu wax ka waydiinay inuu eedayntan loo soo jeediyay uu dinac isaga riixo ayaa si taxadir le u sheegay inaanu wax jawab ah xiligani ka bixinayn.
waxaanu khilaafkani kusoo beegmayaa iyadoo xiligani is qabsi kan la mid ahi ka aloosanyahay Gobolka gabilay.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office