Hargeysa(GNA)-Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa Raali-gelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimi xiligii loo cayimay qabsoomida Carwada 6-aad ee Somaliland oo hore loogu qorsheeyay 1 bishan November ilaa todobadeeda, balse dib loogu riixay 1 bishan 12 ee sanadkan.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dib u dhacaasi ku yimi caqabado farsamo oo ka awood batay, sidaasi darteed 1 bishan 12-aad ee sanadkan loo cayimay furitaanka Carwadaasi oo ay ka qayb-geli doonaan Ganacsato Waddani ah iyo kuwo ajaanib ah oo ka imanaya wadamada somaliland jaarka la ah.
Carwadan ayaa sanadkii hore lagu qabtay Guriga shaqaalaha dawladda ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay boqolaal Ganacsato oo isaga kala yimi Goboladda Somaliland.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay ka qayb-qaataan diyaarinta hawlaha Carwada “Ganacsatada iyo dadka Reer somaliland waxaanu ka raali gelinaynaa dib u dhaca ku yimi furitaanka Carwada lixaad ee somaliland oo hore loogu qoondeeyay 1bishan, balse rasmi u furmi doonta 1 bisha 12-aad, waxana naga horyimi caqabad aanu ka gudbi kari waynay oo farsamo”ayuu yidhi.
“Rugta Ganacsiga somaliland waxay ogaysiinaysaa Ganacsatada somaliland iyo kuwa kale ee wadamada kale nooga imanayaba inay Carwada lixaad ee somaliland furmayso 1 /12/2013, kana qabsoomayso Hudheelka Guuleed”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha rugta ganacsigu.
Dhinaca kale, waxa uu u soo jeediyay dhamaan dadka ka qayb-gelaya Carwadaasi inay la shaqeeyaan hawl-wadeenada ka qayb qaadanaya “Rugta ganacsigu waxay diyaarisay Hawl-wadeeno u darban fududeynta hawsha Carwada oo idiinku imanaya xarumihiina xafiiska Rugtana diyaar ku ah, markaa waxaan idinka codsanayaa inaad la shaqaysaan hawl-wadeenadaasi”ayuu yidhi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com