Wednesday, November 6, 2013

Abwaan Cali Dhanaaniye: Madaxweyne Siilaanyo Cadaaladbaa dadka deeqda!


Aan dhimino haddii la isku raaco waa arrin fiican aan wada noolaano haddii la isla gartana ka sii wanaagsan, Laakiin haddii dhinacba isku raaci waayo waa calaacal ay timo ka soo baxeen. Horaana maah-maah soomaali ahi u tidhi (wixii rag isku og yahay ma qadhmuuna) xukuumadda iyo shacabka reer soomaalilaand hadday ka midaysan yihiin aynu ku socono jaahwareerkaa indho la’aanta iyo dhego la’aanta ah ee aynaan garanayn dhan aynu ka nimi iyo dhinac aynu u socono toona waa Ayaan darro iyo karaamo guur. Bulshadii is abaabushay ee qaranka dhisatay ee muddo 22 sanno ah gooni daaqa ahayd oo ay xukuumaddu ka soo xidho albaabkasta waa arin murugsan oo qadhaadh qofkasta oo danta iyo aayaha qarankan ka fekerayana waa mid aanu cuntamayn. Xaalkeeda manta xukuumadda Axmed Siilaanyona waxa uu marayaa tii uu Abwaan Hadraawi ka gabyayey ee uu lahaa:




Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala’e Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira’e Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin. “Gudgude” Hadraawi Xukuumadda uu taladeeda hogaamiyo Axmed Siilaanyo waa xukuumad si sharci ah ku timi oo ay dadweynuhu soo doorteen laakiin waa hubaal hadday dadku sii ogaan lahaayeen sidan uu siilaanyo u noqday inuu yahay cidina umay durbaano tumateene rajo ay qabeenbaa halkaa dhigtay!! Filashooy waxba ha tarin. Axmed siilaanyo oo rajo weyn laga qabay iyo inuu wadanka gaadhsiin doono meel ka saraysa halkii uu ugu yimi may dhicine waxa la dhaxlay bedelkeedii, waxana isku xeeray hantidii qaranka koox (calooshooda u shaqayste yaala) oo yurub ka soo tahriibay, sidaynu wada ognahay dawladaha horumaray ee reer galbeedku sida yurub waxa yaala dhulkooda dhaqaale iyo cilmi qofkii taga ee caqligiisu wax garanayaa waxa uu hanta 2daa mid kamida laakiin hadaad aragto qof yurub ka soo noqday oo dib soomaaliland ugu soo shaqategey waa (loser) mudayac ah oo guuldaraystay. Soomaaliland 3 meelood oo waaweyn ayay aad ugu jilicsan tahay xukuumadda siilaanyona inay wax ka qabato way ka gaabisay Cadaaladda, horaana loo yidhi "Rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaac" Caafimaadka Isku xidhnaanta shacabka iyo dawladda. Siilaanyona sidii loogu lisay, loogu heelanaa .. siilaanyo waxaan leeyahay madaxweyne bilaa caleeg dadkaaga iyo dalkaaga u nax oo cadaalad u samee cadaaladbaa dadka deeqdee..