Sunday, November 3, 2013

Carlo Ancelotti Oo Ku Weeraray Kooxdiisa Madrid Dabeecadooda Isdhigashada Ah


GNA-Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ku weeraray kooxdiisa dabeecada isdhigashada ah ka dib markii mar kale banaanka la soo dhigay difaacasho xumadooda kulankii habeen hore ay 3-2 kaga badiyeen Rayo Vallecano.




 




Los Blancos ayaa hogaanka ku heysay seddex gool oo nadiif ah ka dib labo gool uu dhaliyay Ronaldo iyo gool uu saxeexay Benzema laakiin waxa ay ku badbaadeen si cidhiidhi ah ka dib markii Jonathan Viera uu labo gool oo rigoore ah u saxeexay kooxdiisa.




 




Ka dib markii ay wajaheen xaalad la mid ah kulankii ay arbacadii 7-3 kaga badiyeen Sevilla ee Santiago Bernabeui, Ancelotti ayaa dalbaday in kooxdiisa ay meel iska dhigto inay isdhigato marka ay hogaanka hayaan.




 




“In goolal sidan na looga dhaliyo labadii kulan ee ugu danbeyay ma ahan wax kama ku dhacday” ayuu Ancelottu u sheegay suxufiyiinta.




 




“Difaacasho ahaan, qeybta labaad waxaana aheyn kuwa masiibo ku habsatay.




 




 




 




“Arrintan waa arrin ay qasab tahay inaan kaga hadlo qolka labiska laakiin si guud ahaan ah ayaan halkan uga hadlayaa. Waxaan qabaa inaan u baahanahay inaan wax yar isbedelno islamarkaana aan meesha ka saarno dabeecadan isdhigashada ah.




 




“Koox tayo sidaan oo kale ah leh ma ahan inay riski geliso in laga badiyo marka ay hogaanka 3-0 ku hayaan. Inaan ku fekerno inay ciyaarta dhamaatay marka ay 3-0 tahay waa qalad. Taasi ma aha dabeecada kubada cagta.




 




“Waxa ay tani dhacday labo jeer, waana hubaa in aan dhici doonin mar kale.”




 




Los Blancos ayaa lix dhibcood ka danbeysa kooxda hogaanka heysa ee Barcelona, laakiin waxaa durbaba laga dhaliyay 16 gool ka dib 12 kulan oo la ciyaaray.