Markii ay ku jirtay ololaha xukuumadda maanta talada wadanka gacanta ku haysaa waxay balan qaadi jirtey horumar dhankasta ah oo ay u samaynayso dadka iyo dalka kaasoo aanay wax la taaban karaa ka hir gelin. Markaad dhex marto Magaalooyinka iyo meelaha dadku ku uruursan yihiin ama goobaha la isugu yimaado waxa kaa hor imanaya tabasho xoog badan oo cadho wadata iyo su’aalo u baahan jawaabo oo ay ka mid yihiin.
1. Maxaa Loo waayey maamul wada shaqaynaya oo isu war haya oo xisaabtan sharciya leh? Tusaale bishan iminka dhammaatay ee 10-aad 2013 wasiirka arimaha guduhu waxa uu soo saaray amar ah in la joojinayo baasboorka Soomaaliya, isla wakhti yar kadibna wasiirka arimaha debeda iyo wasaaradda waxbarshada oo wada socdaa waxay dacwad cabasho ah u gudbiyeen dawladda dhexe ee fadaraalka soomaaliya oo ay leeyihiin maxaa dadkayaga baasboorka loogu diidayaa? Markaa diidmada iyo doonista xukuumadda Axmed Siilaanyo miyaanay isuba war hayn?
2. Meeday wixii dhalinyaradda loogu baaqayey ee lugu joojinayey, mee xisaabtankii iyo hanti dhawrkii?
3. Meeday citiraaf raadintii ma caawimada Majeerteeniyaa?
4. Meeday horumarintii dimuqraadiyaddu ma kooxaysi iyo kala qaybin iyo in joornaalada si cad loogu soo qoro habarjeclaa kala reebaysa Samaale Iyo Muuse Biixi ayay noqotay?
5. Maxaa raashinka faalsada ah ee bilaa tayada ah, daawada faalisada ah iyo boobka tijaarta ee ninka markabka lihi uu kiilooga iibinayo dadweynaha looga qaban waayey?, Caafimaadka iyo Waxbarshada ma ‘ogaanbaa sidan loo yidhi, meeday Idaacadii qaranku? In dadka la dhiso iyo in dhulka la dhiso yamaa horaysa? Iyadaan akhristoow la Il daranahay su’aalahaa jawaabohoodii ayaa waxaan suuqa iyo dooda dadka dhexdiisa ka maqlay in ay dhibaato haysato xukuumadda Siilaanyo oo aanay cidina la ogeyn waxaanan ogaanay oo xaqiiqo ah arin dawladda S/land ay ka dhex dhalatay arin ugub ah oo aan hore dawladaha uga dhex dhalan jirin, waxaan akhristoow ogaanay inay dawladeenu dhashay dawlad yar, oo ay ta yari balan qaaday in wixii loo baahan yahay ay iyadu qaban doonto marka ay korto inta ka horaysana xukuumaddan dadku doortay ay ka shaqayso ta yar korinteeda markaa dawladii dadku doortayba waxay ku mashquulsan tahay xanaanaynta, dhaqaalaynta, tababarida iyo meel kasta oo uu qaranku leeyahay qofkii joogay in laga kiciyo oo lagu bedelo qof cusub oo ay dawladda yari raali ka tahay iyadoo wixii kharash ama dhaqaale soo gala dalkana ama la helaana aanay iyada waxba dheerayn sidaa awgeed akhristoow hala daayooo hala ixtiraamo dawladda mar hadday dhashay oo ay inoo dihatay dawlad nooc cusub ah oo firfircooni badan oo ay inoo korinayso.
Dadkii qaarbaa waxay leeyihiin waa guul iyo gobanimo dawladda yare ee ay dawladeenii inoo dhashay.
Dadka qaarna waxay leeyihiin “Armaa weysona dhuuca Ina goysaa Jannona aynu weynaa”!!!
Dadkii indheer garadka ahaana waxay leeyihiin gabaygii Hadraawi ee ahaa.
Ka daryoo saceenii
Dibibaabu dhali jirey
Doorarkii horeetee
Daalaa dhaciisii
Dacayda iyo caashiyo
Daamankaan u jeedaa
Da;dan waxaan ka baqayaa
Inuu daba karuubiyo
Dabargooye fooshee
Doobir ii dheh yaasiin
…………………………
Ma darmaanta booddee
Didday baan u jeedaa?
Ma daliilka muuqdiyo
Dhamac hoos ka darartoo
Is dallaallimaysiyo
Danbas baan aqaannaa?
Halka Deyr wakhtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
“Hadraawi”
Qalinkii C/risaaq Maxamed Jaamac
Burco Somaliland