Saturday, November 2, 2013

Budhcad badeedda oo madax-furasho u heshay $400 milyan


GNA-Kooxaha budhcad badeedda Soomaalida ah ee ka howgala Geeska Afrika ayaa madax-furasho ahaan u helay lacag gaadhaysa $400 milyan, muddadii u dhaxeysay sanadihii 2005 ilaa 2012, sida lagu sheegay warbixin ay soo wada saareen Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka.




Warbixintu waxay sheegtay in lacagtaas xooggeeda aanay qaadan budhcad badeedda, balse ay gacanta u gashay dad maalgashi ku sameystay kooxahaas, kuwaas oo lacagta u sii isticmaalay fal-dambiyeedyo ay ku jiraan ka ganacsi hub iyo tahriibinta dadka.




Shakhsiyaadka laf-dhabarka u ah maalgashiga budhcad badeedda waxay qaateen 30 boqolkiiba ilaa 50 boqolkii lacagtii madax-furashada ahayd ee la qaatay toddobadaas sano.




Warbixinta ayaa ku talisay in la dabagalo dhabbayaashii la isugu kala gudbiyay lacagtaas.




Stuart Yikona oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in aanay budhcad badeeddu caqabad ku ahayn oo keliya xasilloonida iyo amniga, balse ay awood u leedahay qalqal-gelinta dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamka.




Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo shisheeye oo ka hor tagaya falalka budhcad badeedda oo bilooyinkii la soo dhaafay hoos u dhacay.




Diyaariye>C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com