Hargeysa(GNA)-Hogaanka Xisbiga kulmiye ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud.
kulankan ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday natiijo aan u wanaagsanayn garabka hogaanka xisbigaasi xiligan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu ku gacan saydhay cabasho uu Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi u bandhigay, taasoo ka dhan ah garabka Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo uu kaga cabanayo arrimo badan oo la xidhiidho xisbiga.
Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu hore uga gows adaygay inuu dhex galo Daybalaha xisbiga ee Madaxtooyada ruxay ayaa la sheegay in Muuse Biixi ula tegay Ashkato ka dhan ah Golihiisa Wasiiradda, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan isla markaana faragelin joogto ah ku wadaan isagoo farta ku fiiqay go’aankii Garabka Samaale ee guddida qaban qaabadu doorteen Guddoonka.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan arrintan, balse ilowareedyo Gobanimonews ka heshay aqalka Madaxtooyada goor aan sidaasi u sii fogeyn, ayaa sheegay in xubno ka mid ah Golaha wasiirradu halkaasi ka difaaceen garabka Samaale.
Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda soo saaraan war ku saabsan mawqifka ku aadan halka ay xaalada xisbigu marayso, taasoo loo badinayo inuu ku kala dirayo Guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga ee dhawaan la soo xulay.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa todobaadkii hore la dardaarmay hogaanka xisbiga, Guddida qabanqaada iyo dhamaan qaybaha xisbiga, waxaana muuqata inaan dardaarankiisii dheg jalaq loo siinin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com