Muqdisho(GNA)-Iscasilaada Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliya Yusur Abraar, ayaa dood badan iyo jahawareer ka abuurtay dalka, waxaanay maraysaa in Baarlamanka looga yeedho Reysal-wasaaraha dawladda Cabdi Faarax Shirdoon.
Guddoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya Yussur Abrar oo todobaadkan iska casishay xilkii Guddoomiyenimada bangiga dhexe, ayaa haatan ku sugan waddanka Mareykanka, halkaasoo la sheegay inay kulamo kula leedahay madax ka tirsan bangiga adduunka oo ay ku wargelisay inaan dowladda Soomaaliya lagu wareejin lacagaha dibedda yaala, hadii kale ay jeebka ku shuban doonaan madaxda sare ee dowladda iyo shaqsiyaad la shaqeystaa.
Xildhibaan Cali Jaamac oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka la hor-geyn doono maalinta berri ah mooshin loogu yeerayo R/wasaaraha Dawlada si wax looga weydiiyo is-casilaadii Guddoomiyaha bangiga dhexe iyo arrimo kale oo ku saabsan jiritaanka musuqmaasuq laga galay Hantida dibadaha u taala somaliya.
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ka dhawaajiyay in saacid shirdoon wax laga waydiin doono ujeeedada wefti ka socda shirkad dilaalin ah iyo xubno la socday oo kala ah C/casiis Camalow & Ganacsade Ganja magaalada muqdisho ku sugan.
Xildhibaankan wuxuu sheegay in baarlamaanku ay isha ku hayaan xubno ku dhowdhow Madaxweynaha oo ay ku jiraan Wasiirka madaxtooyada Faarax C/qaadir & Kamaa Guutaale oo ka mid ah gacan-yarayaasha madaxweynaha in ay horboodayaan qorshaha lacagaha Soomaaliya u yaala bangiyada caalamka in lagu soo wareejiyo dowladda, iyadoo la isticmaalayo shirkado howshaasi kala shaqeeya dowladda, waxaana xildhibaankani uu ka digay in xubnahan ay dowladnimadii Soomaaliya u isticmaalaan qaab ku daneysi ah.
"Soomaaliya muddo 23 sanno ah ma aysan helin darbane u daacad ah danaheeda, ee mar walba waxaa hogaankeeda isaga dambeeyey damiirlaawayaal ujeedadoodu tahay in ay hantidii ummadda dhacaan" ayuu yiri Xildhibaan Cali Jaamac, wuxuuna sheegay ay tahay arrin laga xishoodo in madaxdii dowladda in ay ku lug yeeshaan arrimo la xiriira musuq-maasuq & wax isdaba marin.
"Xildhibaanada baarlamaanka waxey u dhaarteen in ay shaqeynayaan danta dalka & dadka, waxaa uu waajib ka saaran yahay in ay la socdaan xaaladda hantidaasi oo ah hanti Soomaali oo dhani ay wada leedahay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Khilaafkan ayaa ka soo billowday markii la isku qabtay sida loo maamulayo lacagihii Soomaaliya u yaalay dibedda iyo dhaqaale xooggan oo dowladda Soomaaliya loogu yaboohay, taasoo Guddoomiyihii hore ee bangiga Yussur dooddeeda ku soo biirtay 4 todobaad ka hor markii loo magacaabay xilkan.
Yusur ayaa warbaahinta qaarkeed sheegtay inay ku adkeysatay inaan lacagtaasi gacanta loo soo gelin dowladda Soomaaliya ayna sii hayso shirkadda gaar loo leeyahay, amarka lacagtaasi lagu bixinayo cidda keliya ee bixinaysana ay noqoto bangiga dhexe ee Soomaaliya, haddii kale waxey sheegtay in lacagtaasi ay geli doonto gacan aan ku habooneyn, waxaana halkaasi ka dhalan karo musuq-maasuq & wax isdaba marin.
C/casiis Camalow & Ganacsade Muuse Ganjab oo sida la sheegay dilaalaya sidii lacagta bangiyada caalamka taal loo soo wareejin lahaa ayaa ku adkeystay in lacagta laga soo wareejiyo bangiyada caalamka, laguna soo wareejiyo bangiga dhexe ee Soomaaliya, halka Guddoomiyaha is-casishay ay sheegtay in musuq-maasuqa dowladda ka jirta aawgeed aaney suurtagal noqon karin in dowladda Soomaaliya lagu aamino dhaqaale intaas la ég.
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomalia ay ka socdaan qorshe dib loogu soo magacaabayo Guddoomiyihii hore bangiga dhexe ee xilka laga qaaday C/salaan Cumar Hadiye, kaasoo ay u ololeynayaan Camalow & Ganja oo doonaya inay helaan sharciyad saamaxeysa sidii lacagtaasi ay dowladdu ula soo wareegi laheyd.
Labadan oo Magaalada Muqdisho hadal heyntoodu ku badatay, laguna sheego inay degenyihiin Villa Somalia, ammaankoodana ay sugayaan ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada, waxaana xubno ka tirsan dowladda oo isugu jira wasiiro & xildhibaanno ay sheegeen in shaqsiyaadkaasi ay geed dheer iyo mid gaaban u fuulayaan sidii ay jeebka ugu shuban lahaayeen dhaqaalaha fara badan ee Soomaaliya u yaala bangiyada adduunka.
Murug badan ayaa ku jira hanaanka Maaliyadda Somalia la doonayay in loo mamaulo iyo sababta ay isku casishay Guddoomiyaha Bangiga dhexe todobaadyo kooban ka dib markii xilka loo magacaabay, waxaana jira gamco shisheeye oo arintan la sheegay inay ku dhex jiraan, sida shirkaddo dibadaha laga leeyahay iyo sharci yaqaano shisheeye ah.
Si kastaba ha ahaatee wararka ku saabsan arrimaha ku saabsan sababta Yusur isu casishay ayaa sidoo kale ka dhex muuqda Hay’addo maraykan ah oo gacan saar la leh kooxaha doonayay inay lunsadaan lacagta somaaliya.
Ugu dambeyn waxa la eegi doonaa halka ay ku dambeyso arintan oo sida muuqata dhirbaaxo culus ku noqon doonta dawladda federaalka ah ee Xasan sheikh Maxamuud, hadii sida iminka wax u socdaan sheekadu soo ahaato.
Waxaana xusid mudan in la helay dhikumantiyo tiro badan oo ku saabsan habka la doonayay in loo musuqmaasuqa lacagaha dawladda somaliya ee deeqaha iyo Cashuurta dibadaha ah.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com