Berbera(GNA)Markab nooca dagaalka ah oo la sheegay in ay leedahay dawladda Ingiriiska ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay taagan meel ilaa 3KM u jirta Dekedda Berbera, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil Ilaalada Xeebaha ka tirsan
Markabkan oo sida la sheegay ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Ingiriisku, balse warbaahinta qaarkeed sheegeen inay Denmark leedahay, ayaa wararku sheegayaan inuu xili habeenimo ah ku soo xidhay Dekedda, balse ma cadda ujeedka imaanshiyihiisa iyo waxa uu siday toona.
Warar ku tiri ku teen ah oo Magaalada laysla dhex marayo ayaa sheegaya inuu siday Saanad hub ah oo lagu caawiyay Somaliland, laakiinse lama cadeyn meesha laga keenay iyo nooca ay tahay toona.
Saraakiisha Ciidanka Xeebaha oo aanu qaarkood isku daynay inaanu wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen telefoonadooda gacanta.
Amaanka Soonaha Xeebta Berbera, siiba agagaarka Dekedda ayaa aad loo adkeeyay dhawrkii Maalmood ee ugu dambeeyay, waxaana wariye ka tirsan Gobanimonews oo halkaasi booqday Indhihiisa ku soo arkay ciidan Bilays ah oo aagaasi lagu wareejiyay.
Markab noocan oo kale oo ay dawladda Ingiriisku leedahay ayaa sanadkii hore sidan oo kale ugu soo xidhay Badda berbera waxaana halkaasi kula kulmay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dawladda Ingiriiska ayaa somaliland ka taageerta dhinacyada horumarinta adeegyada aasaasiga, tayaynta Hay’adaha amaanka iyo arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraadiyada.
Saraakiil sare sare oo Ingiriis ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay hawlo tababaro ah iyo kuwa la shaqayn ciidanka amniga ka wada gudaha somaliland, siiba xarunta ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa.
Ma cadda ilaa hada in madaxweynuhu berbera u iman doono la kulanka saraakiil sar sare oo aan derejadooda la hubin oo markankaasi saaran balse warbaahinta muxaliga ah qaarkeed ayaa sheegaysa in warar hor dhac oo Madaxtooyada laga helay ay sheegayaan inuu markabkan soo booqan doono Madaxweyne Siilaanyo.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com