Muqdisho(GNA)-Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliya, ahna Reysal-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah, ayaa markii ugu horaysay ka dhawaajisay inay Safaaradaha somaliya dhaqaale xumo u shaqayn la’yihiin.
Waraysi lala yeeshay Drs, Foosjiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, waxa kale oo ay ku sheegtay inay dhawaan dawladdu soo xidhay ilaa 20 safaradood oo aan tayo shaqo lahayn, iyadoo xustay in dalalka ay safaaraduhu ka furanyihiin, hadana ay dhib ku qabaan markay madaxda dawladdu u safrayaan.
Waraysigan oo wasiirka lagu waydiiyay su’aalo badan oo la xidhiidha wasaaradeeda iyo caqabadaha hortaagan , ayaa sidoo kale ku sheegtay inay dawladdu xidhiidh wanaagsan la leedahay dunida carabta.
Waxaanu waraysigu ku bilaamay sidan:-
S: Dr Fawzia waxaad nooga warantaa waxqabadka Wasaaradaad oo maanta hal sano jirsatay?
J: Waxaan u imid wasaarad aan habaysnayn shaqaale badana ay iska dhex joogan, Waaxaheedu aanayu habaysnayn,safaaradaha dad badan ayaa muddo dheer iska joogay iyadoo kuwo ku dhashay hada ku sii dhaleen, Guryaha inta badan ay burbureen ama dayacan yihiin, guddi khubaraa oo safirradii hore ka kooban in aay nala dhisan oo aan weeydiisannay in Wasaarada wax nagala qabtan xaggga qaab dhismedka ,gorengn politicsa iyo shaqaalaha gudaha iyo dibedda la dhiso .wasaradda waxa ay ka kooban tahay laba wasaaradood oo kala ah ta xidhiidhka caalamiga ah iyo ta arrimaha Dibadda, waxaan xooga saarnay qaybta arrimaha Dibada waxaan isku taxaluuyjinayt in siyaasadda Dibada aan wax ka qanto gaar ahaan xidhiidh fiican ayaa waxa aan ka soo hoynay wadamada caalamka sba kuwa jaarka dibadeedna china America iyo Europe, Waxqabadka dawlad china waxa ka mida ah dib u dhiska hospital Banaadir, Staduin Muqdisho, Tiyaatarka, iyo in ay xamar oo dhan galiso kamarooyin, taas oo sahli doonta in amaanka wax lagaga qabto iyadoo uu calankeenu Ictiraaf wayn ka helay Aaduun waynaha,
S:Maxaa soo dedejiyey aqoonsiga ay dawlada maraykanku soomaaliya siisay?
J:Dawlada Maraykanka waxa ay na siisay aqoonsi si degdeg ah taas oo ay sababtay dadaal iyo wada hadal badan oo aan aniga iyo Madaxwaynaha Xassan Sh. Mohamoud la yeelanay dhawr goorna aan ku noqnoqonay, aad buu noo soo dhaweeyay, ciidankenna waa kan saacida tababarradana siiya ilaa madaxweyne Obama iyo Kerry inoo ballan qaadeen in ay gacan na siiyaan .
S: Waxa jira Budhcad badeed badan oo ku dhibataysan kuna xidhxidhan aduunka daafahiisa kuwana aad soo dayseen,hadaba kuwa xidhxidhan maxaad ka damacsan tihiin?
J: Dhanka kale hadii aan soo qaato budhcad badeeda, Soomaali badan ayaa ku xidhan aduunka daafahiisa sida Tansania, S. Africa, Maraykanka,Sisheelis,India iyo Maldevis, kuwaas oo aan wada hadalo la yeeshay Wasiir khaarijiyayaashooda iyadoo aan ku guulaystay in la soo daayo kuwo ku xidhnaa Maldevis,Malta iyo siisheelis iyadoo kuwa kale na in la soo daayo si deg deg ah.
Waxaan abuurnay waaxda Qurbajooga oo ah waax wax badan ka qaban doona dhalinyaradda raba in ay wadanka ku soo noqdaan dibna u bartaan afkooda hooyo dawladana la shaqeeyaan kuwii rabaana ay wadanka maal galin ku sameeyaan, waaxdan qurbajooga waxa kale oo uu wax ka qaban doonaa ,Maxaabiista Soomaaliyeed ee aduunka ku xidhan.ayagana halka aan hadda soo gaarsiney ay ka sii wadaan.
S: Waa side xidhiidhka aad la leedihiin jaamacada Carabta?
J:Cilaqaadka aan dowladaha islaanka la leenahay aad iyo aad buu u wanaagsan yahay maantadan waxaan la kulmay wakiilka Jaamaacada Arabta 14 ka bishan Novemberna waxaan ka qaybgali doonaa shirka dhici doona dalka Kuwait, kaas oo uu Madaxwaynahuna ka soo qayb gali doono kaas oo aan kulamo kula yeelan doono Wasiirada Arrimaha Dibada ee Carabta iyo Africaba.shirarqaahira ka dhacay oo aan ka qeyb galnay ayaa jira qorsho bandanna waa noo yaalan.
S: Waxa jira Safaarado badan oo Safiirada ay qaar kood 25 sano ka badan iska joogaan, halka ay qaarna awood saayid ah ku leeyihiin dalalka ay joogaan, Maxaad ka damacsan tihiin?
J: Safiiradda Sharci baa la soo saaray la leeyahay waxa ay joogi karaan 4 sano nina ka badan ma joogi doono xoogaa dhaqaale xumo ah ayaa hada na haysa, hada waxa la magacaabay Todoba Safiiro la magacaabay 5 wayy shaqo tageen ilaa hada kuwa kalena kolay way tagi doonaan qofna kuma abaadi doono ma jiri doono Safiir 20 sano iyo ka badan fadhiyi doona meel, dhiig cusub yaa badali doona , ilaa 20 safaradoodna waan soo xiri doona maxa yeelay safaradaha waa uun la furi jiray lakiin lagama fikiri jirin maareyntooda.
Dhaqaalaha la idinku ogolaaday shirkii Brussels sidee ayaa u maarayn doontaan?
J: Dhaqaalaha waxaa loogu talo-galay dib u dhiska in amaanka wax lagaga qabto iyo arrimaha bino-aadanimadda, midna looguma tala galin waa dib u dhis uun, waa jiraan dowlado na siiyey lacago kuwa kalena wey na siin doonaan .
S: Maxaa kuugu dhib badnaa muddada aad shaqada ku jirtay?
J: Waxa iigu dhibta badnaa safaraddaha tirada badan iyo safaarado aan tayo lahayn baabuur lahayn telephone lahayn dhaqaale ay wax isku maamulaan aan haysan, wax kuu qaban Karin xaataa report kaliya aan kuu sii diyaarin Karin. Hawshuna waxay ku dhacaysaa aniga iyo qofka ila socda ama dadka xagan igala safra, New York oo kale waa in aadn 15 ka Safiir fadhigooda ugu tago iyadoo aysan jirin wax inkaaniyaad ah.