Monday, October 21, 2013

Yaya Toure oo doonaya in Balotelli ama Tevez uu kula Ciyaaro Champions League


Yaya Toure ayaa rajeynaya in Manchester City ay ku aado Juvetus ama AC Milan Champions League, si uu ugu soo dhaweeyo markale Balotelli am Carlos Tevez Magaalada Manchester.




City ayaa heshay 3 dhibcood labadii kulan ee ugu horeysay Champions League, kaddib markii ay garaacday Viktoria Plzen, halka ay ku qasaartay Bayern Munich, waxaana ay dooneysaa in ay gaarto wareega 16-ka.




Wareega xiga waxa ay jecelyihiin in ay la kulmaan kooxaha Serie A, iyadoo Toure uu ku adkeysanayo in uu ku farasan yahay uu la dheelo kooxaha ay u ciyaaraan saaxibadiisii hore.




“Waxan rajeynayaa in ay u noqon doonto fursad Mario iyo Carlos in ay ku soo laabtay Manchester iyadoo la dheelayo Champions League”. Toure ayaa sidaasi u sheegay saxafiyiinta.




“Mario ma ahan oo kaliya saaxiibkey ee waa walaalkey oo kale, wax badan ayaan jeclahay kumana faraxsaneyn markii uu Milan aadayay”.




“Carlos waa dhaliye weyn oo aan aad u jeclahay in aan la dheelo, waana taas mida aan u dooranayo in aan ka hor imaano”.




Xidiga caalamiga ah ee Reer Ivorty Coast ayaa ka mid ah xidigaha ka dhigay City mid kamid ah kooxaha ugu waa weyn caalamka waqtigana la joogo.