Monday, October 21, 2013

Dived Moyes oo diyaar u ah in uu “Iibinayo” Ashley Young


Kooxda Manchester United ayaa lagu waramayaa in ay si fiican u dhageysan doonto dalabyada lagu doonayo garabkeeda Ashley Young.




Laacibkii hore ee kooxda Aston Villa ayaa ku guul dareystay in uu xajisto booskiisa Old Trafford, taasi oo ka danbeysay soo bixidii da’yarka mucjisada ah ee Adnan Januzaj.




United ayaa sidoo kale heysta Shinji Kagawa iyo Wilfried Zaha, kuwaasi oo dabooli kara booska Young, waxana David Moyes uu ka fakarayaa in uu beciyo Young hadii uu helo dalab dhameystiran oo u qalama sida laga soo xigtay Goal.com.




Ashley Young ayaan kooxda United ka soo muuqan tan iyo markii ay 4-1 qasaare ah ka soo xareysteen Manchester City bishii September 22