Monday, October 21, 2013

Tababare Jose Mourinho Oo Laga Yaabo In Laga Ganaaxo Kulanka Manchester City.


Tababare Jose Mourinho oo cadheysnaa ayaa laga yaabaa inuu wajaho in laga ganaaxo kursiga keydka ka dib markii taribuunka la saaray kulankii ay Chelsea 4-1 Daraad kaga badisay Cardiff City.




Tababaraha Blues ayaa furka tuurtay daqiiqadii 70aad markaasoo ay isku dhaceen garsoore Anthony Taylor arin ku saabsaneyd waqti lumin, waxaana laga yaabaa in laga ganaaxo kursiga keydka kulanka axada ee Manchester City sida ay ku warameyso jariirada The Sun.




Tababare ku xigeenka Chelsea Steve Holland ayaa yidhi: “Jose aad ayuu u cadheysnaa.




“Muddo saacad ah waxaa inaga xanaajineysay sida ay  wakhtiga u luminayeen  mar kasta oo ay ciyaarta dib u bilaabayaan. Sidaasi darteed wax aad looga xanaaqo ayay aheyd in Jose casaan lagu siiyo inuu ka mudahaarado ka dib labo ilbiriqsi oo kubada aan heysanay.




“Cardiff waxa ay waqti lumis bilaabeen laga bilaabo daqiiqadii 3aad.




“Waxaan u sheegnay garsooraha afaraad laakiin garsooraha dhexe ma aan u muuqan qof wax ka qabanaya.




“Ka dib waxaa inaga na soo martay  gacan, Ivanovic ayaana kubada gacanta ku heystay kaliya labo ilbiriqsi, kama aaney badneyn, garsooraha isaga ayuu ku soo jeestay oo uu saacada u tilmaamay.




“Xanaaqa Jose waa iska cadaa, waana ku saxnaa. Cadhadiisa waa uu soo bandhigay, waxaana la saaray taribuunka.”