Yaya Toure ayaa meesha ka saaray in Manchester United ay fursad u heysato inay difaacato koobka horyaalka Premier League, isagoo sheegay inay xaqiiqdii dhibtoonayaan madaama ay ka hoos ciyaarayaan David Moyes.
Waxaana xiddiga Manchester City uu sheegtay in Liverpool ay bedelkooda haatan yihiin kooxda ugu weyn ee ay la xafiiltamayaan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ivory Coast Toure oo 30 sanno jir ah ayaa yiri, sida ay qortay The Sun: “United waa ku adkaan doontaa inay difaacdaan horyaalka madaama ay heystaan tababare cusub islamarkaana ay xaqiiqdii dhibtoonayaan.
“Liverpool ayaa haatan ah hanjabaad weyn sababtoo ah waxa ay heystaan koox xoogan, weeraryahanadooda Luis Suarez iyo Daniel Sturridge iyagana waxa ay goolal dhalinayaan markii ay doonaan.”
Labada kooxood ee Manchester ka dhisan ayaa laga badiyay min seddex kulan xilli ciyaareedkaan laakiin City ayaa ku jirta kaalinta 7aad iyagoo labo dhibcood ka sareeya United.
Toure ayaa sidoo kale difaacay goolhaye Joe Hart ka dib markii booskiisa uu halis galay iyadoo goolhayaha labaad Pantilimon uu shaqo wacan qabtay kulankii xalayto.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Joe waa goolhaye sarre kaasoo wax walba u qabanaya kooxda.”