Friday, November 1, 2013

Lars Bender Oo Qandaraaska U Kordhiyay Leverkusen iyo Arsenal oo candhuufteeda dib u liqday.


Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen Lars Bender ayaa soo gabagabeeyay shakigii la geliyay mustaqbalkiisa isagoo qandaraaskiisa kordhiyay islamarkaana baaqi ku sii ahaan doona Leverkusen ilaa iyo 2019.




Xiddiga Jarmalka ayaa waxa uu diirada u saarnaa bilihii ugu danbeysay kooxaha Premier League ee Arsenal iyo Manchester United, iyadoo Gunners ay si aad ah u la socotay xaalada 24 jirkaan aadka loo qiimeeyo.




Si kastaba, Bender oo qandaraaskiisii hore uu dhici lahaa 2017, ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda BayArena ku ciyaarta isagoo labo sanno kale ku kordhiyay.




Leverkusen ayaa haatan ku jirta kaalinta 3aad ee Bundesliga waxaana ku dhibco yihiin kooxda kaalinta labaad ee Borussia Dortmund halka ay hal dhibic kaliya ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee difaacaneysa horyaala Beyern Munich.