Friday, November 1, 2013

Faroole: waxaan Idiin Rejaynayaa inaad Odayaasha Beelaha ku qancisaan in dib laydiin soo doorto”.


Garoowe(GNA)-Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in caawa xaflad weyn la qaban doono taas oo uu ka jeedin doono khudbad dheer, isla markaana loo dabaaldegayo hawlihii badnaa ee Golaha Wakiiladu qabteen.




Warkaan oo faah-faahsan gadaal ayaa laga daabacayaa




 Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa Caawa si rasmiya ugu dhawaaqay inuu kala diray Baarlamankii Maamulkiisa, ka dib markii uu maanta sidaasi ka sheegay shir lagu qabtay Aqalka Baarlamanka.




Baarlamanka Puntland ayaa sanadkii 2008-dii xilka loo doortay, waxaanu muddo xileedkoodu ahaa ilaa 2012-ka, laakiinse dhamaadkii sanadkaasi ayay mudada kordhisteen.




 “Waxaad guul badan ka gaadheen sameynta Dastuurka iyo ansixinta Nidaamka Asxaabta badan ee Puntland, waxaasina waa Hanti umadda u hadhaysa oo mid wal oo idinka mid ah C.V-giisa u geli doona”ayuu Faroole u sheegay isagoo Baarlamanka sagootinaya.




Waxaanu intaasi ku daray isagoo sii wada dardaarankiisa “waxaan idiin rajeynayaa markaa deegaamadii tagtaan in Odayaashii idinku qancaan oo dib idiin soo doortaan” .




Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa ka koobnaa 66 Xildhibaan, iyadoo badankoodu Baarlamaan ahaayeen 15 sano ee u dambeeyay.




Bisha Janaury ee sanadka 2014-kii ayaa la filayaa in dib loo soo doorto Baarlaman cusub, kuwaasoo ay beeluhu soo xulanayaan,




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com