Hargeysa (GNA Laanta Socdaalka ee Somaliland ayaamaanta Xuduuda Wajaale kala wareegtay Dawlada Itoobiya Tahriibayaal isku jira Reer Somaliland iyo Somaliya kuwaasi oo beegsanayey Qaraada Yurub, tahriibayshan oo tiradoodu ahayd 33Qof ayaa waay iskugu jirneen Rag iyo Dumar, waxayna sheegen in lagu soo qabtay Xuduuda u dhexeysa Dalalka Itoobiya Iyo Sudan
Laanta Socdaalka ayaa Tahriibayasha Hargeysa keentay kuwaasi oo ay ku wareejisay Eheladii dadkaasi ay ka soo jeedeen halka kuwii somaliya ka soo jeedayna ay Dawladu iska fasaxday
Munaasibad baladhan oo loo qabtay tahriibayaashasi ayaa waxa hadalo ka jeediyey wasiirka wasarada Shaqada iyo Arrimaha Bushada
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarah Cali siciid Raygal iyo taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland iyo masuuliyiin kale waxayna dhalinyaaradii tahriibaysha ahaa ugu b aqeen in dalkood ay aamin oo ay iska daayan tahriibka
Dhanka kale mid ka mid tahriibayaashasi la soo qabqabtaya ayaa sheegay in dhibaato badan kala kulmeen tahriibkii
.Diyaariye.Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com