Boorame (GNA)- Waxa gudaha magaalada Boorama lagaga dhawaaqay in maalinta bari ah laga bilaabi doono guud ahaan gobolka Awdal ololaha talaalka cudurka dabaysa oo markan aanan loo eegayn da’gaar ah balse la siin doono labada dhibcood ee ka hortaga ah gabi ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulan wacyigalin ah oo hordhac u ah talaalkaasi ayaa lagu qabtay xarunta caafimaadka ee gobolka Awdal, waxana ka soo qayb galay madaxda caafimaadka, masuuliyiinta gobolka, kuwa wasaarada waxbarashada, xildhibaano, culimaaudiin, dhalinyaro, odayaal, maamulayaasha dugsiyada iyo daneeyayaal kale oo aad u badan.
Maxada Talaalka Booliyada ee gobolka Awdal Siciid Bile Buraale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dalka oo dhan talaalkan laga bilaabi doono barito, waxana uu yidhi “Waxaa aan sheegayaa in talaabadan talaalka ka hortaga cudurka dabaysa ee bilaabmaysa bariyo ay tahay fursad qaali ah oo aan u qalmin in la dayaco, waxana loo baahan yahay in labada dhibcood ee talaalka ah la siiyo cid walba oo bulshada ah mar hadii cudurka dabayshu uu yahay mid bulshada oo dhami ay halis u tahay”
Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in cundurkan Dabayshu uu yahay mid si fudud loo kala qaado, isla markaana hadii uu bulshada dhex galo u keeni kara dhibaato ay naafo ugu sokayso, sidaasi aawadeed, waxa uu bulshada ku baraarujiyay in kahortagu uu yahay sida kaliya ee looga samatabixin karo bulshada cudurkaasi dabaysha.
Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa carabaabay in bulshada loogu baahan yahay inay iska xayn daabto dhibaatada cudurka dabaysa, isla markaana ay qaadato labada dhibcood ee badbaadada ah ee loogu talo galay ka hor taga cudurkaasi dabaysha.
Gudoomiye ku xigeenka Waxbarashada ee gobolka Awdal Aadan Faarax Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna balan qaaday in fariimaha aasaasiga ah ee ka hortaga cudurka dabaysha ay gaarsiin doonaan dugsiyada, malcaamadaha iyo madarasadaha kale ee ay caruurtu wax ka barato, sidoo kalena ay waalidka ku baraarujin doonaan ahmiyada uu leeyahay talaalkani.
Xil. Sh. Bade oo ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Boorama ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Boorama laga hirgaliyo talaal lagu cirib tirayo cudur ka hortagu dawo u tahay, waxana uu bulshada u sheegay in labada dhibcood ee la qaadanayo ee ka hortaga cudurka dabayshu ay yihiin kuwo badbaado ah
Wariye Mustafe Caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office