Hargeysa(GNA)-Ololaha Talaalka Cidhib tirka Dabaysha ayaa ka bilaamaya Somaliland Maalinta Berri ah oo ku began 20 Bisha October.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta qaatay labada dhibcood ee Talaalkan oo lagu talaalayo dadka waaweyn iyo kuwa yar-yar.
Madaxweynaha ayaa markii la talaalay ka dib fariin caafimaad oo uu Bulshada ku boorinayo inay iska talaalaan cudurka dabaysha jeediyay, waxaanu dhamaan shacbiga dalka yar iyo weyn ugu baaqay inay iska talaalaan xanuunka dabaysha oo faro baas ku haya Caalamka, isla markaana dad da’doodu aad weyntahay laga helay.
Geesta kale Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa ka qayb-galay munaasibad balaadhan oo lagu furay Talaalkaasi, taasoo ka qabsoontay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa isaga laftiisu xafladaasi lagaga talaalay Cudurka Dabaysha, waxaana Ololahan la furay noqonayaa kii ugu balaadhnaa ee laga fuliyo Somaliland sanadihii ugu dambeeyay, waxaana looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo cudurka Dabeysha Oo Kiisas cusub oo dad waaweyn iyo kuwa yaryarba laga helay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com