Tuesday, October 22, 2013

Xoghayaha gobalka awdal iyo qaar kamida xildhibaanadagolaha deegaanka degmada borama ayaa ku bogaadiyay xukuumada qorshaha horumarinta jidadka


Boorame (GNA)-Xoghayaha gobolka Awdal iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Boorama ayaa maanta shir jaraaid oo ay ku qabteen gudaha magaalada waxa ay ku taageereen hawlaha dhinaca jidadka ah ee ay xukuumadu ka wado dalka, gaar ahaan dhismaha jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.




Xoghayaye Asad Cabdi Jaamac oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa auu yidhi “Waxa aan hambalyaynayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo dalkan ku hogaamiyahay tubtii hormarka, waxana aan soo dhawaynaynaa dhismaha jidka Ceerigaabo, waxa aan qirayaa in reer Awdal ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaasi, waxana aan leeyahay hormarka dalka ka socda waa mid u baahan in xukuumada lagu taageero oo la isku barbar taago”




Xildhibaan. Cabdiqani Daauud Qalinle oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Jidka Ceerigaabo waxa uu yahay jid la ogyahay inuu ahaa mid raf ah oo dhibaato badan ay kala kulmi jireen dadku, waxa uu ahaa jid aad u dheer oo mudo badan u baahnaa in loo fikiro sidii wax looga qaban lahaa, waxa taasi ku guulaystay M/Siilaanyo iyo xukuumadiisa, shaqsi ahaan waan ka qayb galay deeqda loo ururinayo jidkaasi, waxana aan hubaa in dadku ay dareensan yihiin in jidkaasi baahi loo qabo oo ay ka qayb qaadan doonaan, waxana aan xukuumada leeyahay waxa aad muujiseen talaabo dhiiran, ee qorshaha ku darsada marka jidkaasi dhamaado inaad bilawdaan jidka isku xidhi doona Boorama iyo Saylac”




Xil. Maxamed Muumin Kacab oo isaguna jidkaasi maray ayaa waxa uu yidhi “Waa jid aad u balaadhan una dheer oo aan wali xusuusanahay intii ay igu qaadatay inaan Ceerigaabo ku gaadho, waxa aan soo dhawaynayaa dhismaha jidkaasi, waxana aan leeyahay xukuumadu way ka rumaysay riyaadaasi ahayd dhismaha iyo isku xidhka jidadka, Anigu ka xildhibaan Kacab ahaan, waxa aan mushaharkayka hal bil ugu deeqayaa dhismaha jidkaasi Ceerigaabo, waxana aan ugu dirayaa ZAAD”




Xil. Siciid Muuse Xoosh oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Waxa loo baahan yahay in marka ay dadku biyaan lacagta cashuurta ah ee la ansixiyay in masuuliyiintu ay ugu faaiidaysato sidii dalka oo dhan wadooyinkiisa loo dayactiri lahaa, waxa aan xusayaa in Awdal ay tahay meeshii ISKAA WAX U QABSO ay ka bilaabatay, sidaas darted, Awdal waxa ay diyaar u tahay inay bixiso qaadhaanka dhismaha jidka Ceerigaabo, taasina waa talaabo aan uga gol leenahay in marka dambe ee aan dhisayno jidka Boorama iyo Saylac isku xidhi doona ay na caawiyaan”




Qaar ka mid ah dadwaynaha reer Boorama oo iyaguna dareenkooda xusay ayaa tilmaamay in jidka Ceerigaabo uu yahay jid isku xidhi doona wiil iyo Abtigiis, waxana ay dadwayha labada gobo lee AWDAL iyo CEERIGAABO ku tilmaameen kuwo walaalo ah, waajibna ay tahay inay wax wada qabsadaan, Awdalna ay diyaar u tahay in kaalinta ugu balaadhan ay ka qaataan dhismaha jidka Ceerigaabo