Hargeysa(GNA)-Nin Hubaysan oo la sheegay inuu askari yahay, ayaa rasaas ku furay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, gelinkii dambe ee Maanta xili uu xildhibaanku Gaadhi ku marayay jid ku yaala Xaafada Sheikh Mobaarig ee Magaalada Hargeysa.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad goob joogeyaal Askari ka tirsan ciidanka Bilayska oo gaadhi watay, ayaa xildhibaanka hadal maagis ah ku yidhi, inta uu ku soo dhinac qabtay gaadhi uu watay xildhibaanku,isagoo hadalka ka dib rasaas k aka daba riday Xildhibaanka.
Ma cadda sababta uu Xildhibaanka u rasaaseeyay Askariga ahi, balse warku wuxuu intaasi ku darayaa inuu dhawr xabadood oo kale ku riday ka dib markii xildhibaanku isku dayay inuu lafahiisa uga cararo.
“waxa uu noo sheegay in ninkani ka soo raacay Guri ku yaala jig-jiga yar oo uy fadhiyay, dabadeed markii meel dhexe marayay inta uu soo gaadhay ku yidhi waar maxaa kugu saliday ninkan Gabadha inaga qaba,dabadeed markuu intaasi uu ku yidhi uu gartay inuu ka dhaqaaqay xildhibaanku, markii uu dhaqaaqayna ninkani xabad ka soo daba riday”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dad la kulmay Xildhibaanka falkaasi ka dib.
Waxaanu intaasi ku daray Ninkan oo magaciisa qariyay sababo dhanka amaanka ah “intaasi ka dib saddex xabadood oo kale ayuu ka soo daba riday, isagoo eryaynaya, dabadeed xildhibaanku wuxuu noo sheegay in markii uu ka hadhi waayay uu istaagay, dabadeed uu ka hadhay oo uu baxsaday”ayuu yidhi.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Xildhibaanka, waxaana noo suurto geli wayday inaanu telefoon ku helno Mobile-kiisa gacanta oo xidhan awgeed, balse qof kale oo ka mid ah Eheladiisa ayaa Gobanimonews u sheegay “ wax nabar ahi ma gaadhin, laakiinse wuxuu ahaa shir qool la doonayay in lagu dilo sida muuqata”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “Ninka falka geystay waa la garanayaa, waanu baxsaday markiiba, cid qabatayna ma jirto ilaa hada”.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka amaanka oo la xidhiidha falka iyo sida uu u dhacay,waanu ka gaabsaday Taliyaha Ciidanka Bilayska oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay inuu wax faahfaahin ka bixiyo dhacdadan “Shirbaan ku jiraaye igu soo celi, meel aan arintaasi kaga hadli karo ma joogee”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo aanu Telefoonka ku helnay.
Xildhibaan Maxamed Faarax qabille ayaa ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga Ucid ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, waxaanu ka mid yahay xubnaha Mucaaridka ah ee Golaha Wakiiladda.
Todobaadkii hore ayuu xukuumadda si kulul ugu eedeeyay muddo kordhinta Guddida Diwaan-gelinta Ururada iyo ansixinta Asxaabta qaranka oo madaxweynuhu muddo xileedkooda u kordhiyay.
Raadad la xidhiidha falka ayaa muujinaya inuu arrimo siyaasadeed salka ku hayo weerarkani.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com