Hargeysa (GNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargaysa, kaga waramay hawl-galo amni oo ay ciidamada ammaanku habeenadii u dambeeyay ka sameeyeen Gudaha Magaalada Hargaysa, kuwaas oo lagu soo qabtay in ka badan Boqol ruux oo eedaysanayaal ah.
Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay in hawl-galadaasi lagu bartilmaameedsaday dhalinyaro waday hawlo dhinaca amaan-darada ah oo qaarkood tuug caadaystayaala yihiin qaar kalena ay isticmaalaan maandooriyeyaal.
Taliye fadal waxa uu sheegay in guud ahaan ciidamada ammaanku gacan ka heleen bulshada si ay gacanta ugu dhigaan dembiilayaaaha qaarkood oo la helay iyagoo dembi gacanta kula jira.
]Waxaanu intaasi ku daray in hawlgaladaasi guul ku soo dhamaadeen.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com