Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), dhamaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii iyo shacab weynaha Somaliland gaar ahaan ciidamada Somaliland uu ka baxay Marxuum Gaashaanle dhexe Cilmi Ibraahin Xuseen Cigaal oo ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waxaanu Eebe uga baryayna innu jannadii fardowsa ka waraabiyo marxuum Cilmi Ibraahin Xuseen Cigaal, dhamaan qoyskiisii iyo qaraabadi uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Somaliland gaar ahaan ciidamada Somaliland.
Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.
Md . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI