Sunday, October 20, 2013

SL: Xukuumadda iyo Hogaanka Kulmye oo isugu Miciyo- lisanaya Shirweynaha Xisbiga iyo Kulan Saylici Guddoominayay Maanta oo Fashilmay


Hargeysa(GNA) Muran xoogan ayaa ka taagan Magacaabista Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga kulmiye oo maalmahanba loo dheg taagayay.




Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo laga sugayay inuu magacaabo Guddidaasi, ayaa la sheegay inuu soo xulay xunbo hogaanka xisbiga qayb ka mid ahi la garan wayday ama ka biyo diideen, sida ay Gobanimonews ka heshay ilo-wareedyo xisbigaasi ka soo baxay.




Arrintaasi ayaa sababta yooyootan aanay ilaa hada hogaanka xisbiga iyo xubno ka mid ah madaxda xukuumadda ugu saraysa oo soo faro-geliyay.




Barta Internet-ka ee Waaheen.com, ayaa ku warantay in lagu kala kacay ama uu natiijo la’aan ku dhamaaday shir  maanta gelinkii dambe dhinacyada hogaanka xisbigu ku yeeshay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, kaasoo  lagaga arrinsanayay Xubnaha guddi qaban qaabada ee uu Hogaanka Kulmiye soo magacaabay.




 Ilo wareedyo u dhuun daloola kulankaasi ayaa  xaqiijiyay in buuq iyo Loolan adag kadib Guddida Fulinta iyo Hogaanku dib u dhigeen illaa salaasada Ansixinta Xubnaha oo ay isku mari waayeen.




Dadka ku foogan arrimaha  Siyaasadda iyo Taageerayaasha Xisbiga ayaa saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay si weyn ugu dhegtaagayay ku dhawaaqista Guddidan lagu heshiin waayay.




Wakhtiga loo cayimay Shirweynaha Xisbiga ayaa ku beegan bishan December ee foodda inagu soo haysa, waxaana socda loolan u dhexeeya dhinacyada u sharaxan Hogaanka Xisbiga oo uu ka kow yahay Guddoomiyaha Xisbigaasi ee xiligan oo doonaya inuu guddoomiyenimada mar kale ku soo noqdo si uu ugu sii maro damac Madaxweynenimo oo uu ku goodiyayo shanta sanadood ee soo socda.




Wasiirka Maaliyadda Cabdi casiis Maxamed Samaale iyo xubno kale oo door ah ayaa iyagana Hunguri kaga jiraa Kursiga guddoomiyaha Xisbiga.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ilaa hada ah Marjaca kama dambeysta ah ee arrimaha xisbiga loola noqdo marka ay xalin kari waayaan dhinacyada farsamo ahaan u xilsaaran ee lagu wareejiyay, ayaan ilaa hada cadeyn inuu Musharax madaxweyne Xisbiga ka yahay iyo in kale.




Balse xubnaha loolanka ku jira ayaa badankoodu ka warhayaan mawqifka siyaasaddeed ee Madaxweynaha, waxaana la odhan karaa ismay lureen hadanaay dhinaca Odayga xisbiga tanaasul ka haynin.




Muddada kulanka maanta dib loogu riixay xulashada xubnaha qaban-qaabada shirweynaha xisbiga ayaa la filayaa in kala aragti duwanaanshiyaha maanta lagu kala kacay la xaliyo.




Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa rejo aan wanaagsanayn ka muujinaya waxa ka soo bixi doona Shirweynaha xisbiga hadiiba uu qabsoomo, waxaanay badankoodu ku doodayaan in shirweynaha xisbigu saameyn doono awoodda xisbiga iyo Mustaqbalkiisa dambe.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com