Kismaayo(GNA)-Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose waxa soo gaaray weftiga ka socda dawladda Federaalka ah ee Somaliya, waxaana hogaaminaya Wasiirka arrimaha Gudaha.
Weftiga ayaa wata Diyaarad khaasa,taasoo ay oo kaga soo degeen Madaarka Diyaaradaha Magaalada.
ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Weftiga oo la xidhiidha safarkooda, balse ilo-wareedyo laga helayo, ayaa sheegaya in Ujeedka socdaalkoodu salka ku hayo arimaha maamul u samaynta Goboladda Jubbooyinka.
Weftiga ayaa la sheegayaa inay doonayaan inay maamulka Sheikh Axmed Madoobe iyo Bulshada Gobolka ku qanciyaan shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho oo la filayay 21 Bishan inuu furmo, balse ilaa hada aan waxba ka soo naaso cadeyn.
La soco war faahfaahinsan iyo sawiro ku saabsan weftiga goor dhow.
Gobanimonews
Kismaayo Office
Email: editor@gobanimonenews.com