Sunday, October 20, 2013

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay sanad ku dhawaad ka dib +Sawirro


 Hargeysa(GNA)-Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa dalka dib ugu soo laabtay,muddo sanad ku dhawaad ah oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa hawlo caafimaad ka dib.




Xasan Axmed Aadan ayaa wakhti dheer dalka Ingiriiska u joogay Hawlo caafimaad iyo arimo kale oo gaar ah, inkasta oo intii uu halkaasi joogay uu hawlo badan oo dhanka dawladda ah ka qayb-qaatay.




Ma jiro wax war ah oo uu Warbaahinta ka siiyay dib u soo laabashadiisa ka sekow inuu soo dhamaystay safarkiisii Ingiriiska oo uu hada shaqada dib u bilaabayo iyo inuu ku noqonayo dalka uu ka yimi, balse sida ay Gobanimonews wararka ku heshay Khamiistii todobaadkii hore ayaa shaqaalaha xafiiskiisa iyo saraakiil kale oo dawladda ka tirsani ku soo dhaweeyeen Madaarka Hargeysa oo uu ka soo degay.




Xasan Axmed Aadan ayaa sanadkii hore safar Caafimaad oo kedis ah ugu baxay dalka Djabouti, halkaasoo uu uga sii gudbay dalka Ingiriiska.




Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee uu madaxda ka yahay ayaa intii uu ka maqnaa waxoogaa hoos u dhac ah laga dareemayay shaqadiisa, waxaana intii aanu dibada dhoofin lagu xasuustaa Dacwaddo aad u xaasaasiya oo xafiiskaasi fuliyay.




Sidoo kale waxaan aad u muuqan doorkii uu xafiiskiisu ku lahaa Guddida Cadaaladda ee qaranka iyo  kaalintii uu ku lahaa Mashaariicda la-dagaalanka  Budhcad badeeda oo xiligaasi aad looga dhex arkayay, Hay’adaha inta badan ku foogan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com