Sunday, October 20, 2013

Masuul UCID ka tirsan oo Maayarka Boorame Uga Jawaabay Hadal ka Soo Yeedhay


Borama(Gobaninonews)Maanta ayaa shirjaraaid oo uu qabtay siyaasiga ka soo jeeda Gobolka Awdal kana tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID  mudane Cumar Daahir Cilmi waxa uu kaga hadlay arimo dhawr ah isaga oo ugu horayn ku eedeeyey xukuumada madaxwayne Siranyo in ay dhegaha ka furaysatay tabashooyinkii dadwaynaha kasoojeeda gobolada Awdal iyo Salal isaga oo tilmaamay in xukuumadu ay xaalado colaadeed ka abuurtay deegaanada Awdal iyo Salal tan iyo wixii ka dan beeyey doorashadii golayaasha deegaanka ah ee ka dhacday dalka isaga oo kahadlaya arimahaasi waxa uu yidhi . “Jamuuriyada Somaliland waa qaran dhisan kaasi oo muwaadiniintiisu ay u wada siman yihiin xuquuqdooda aas aasiga ah, sidaasi darteedna qarankani ma noqon karo mid koox u af duuban , sida aanu lawada soconana guud ahaan dalka waxa ka jira tabashooyin badan oo ay shacabku ka qabaan xukuumada maanta taladu ay gacanta ugu jirto , gaar ahaana dadka ku dhaqan gobolada Awdal Iyo Salal in badan ayay tabashooyinkooda ka hadleen balse xukuumadu dheg uma aysan dhigin in ay ka jawaabto ama ay waxaka qabato. Hadaba tabashooyinkaasi waa kuwo aan sinaba loo dabooli karin haday tahay dhinaca adoow qaybsiga dalka, mashaariicda horumarinta , dhinaca dimuqraadiyada waxa aan ognahay dhibaatooyinkii ka dhashay doorashooyinkii deegaanka , ee Saylac iyo Lughaya, oo ilaa maanta ay ka jiraan xaalado colaadeed iyo deegaamayn cusub oo beelaysan keenina karta dagaal sokeeye.”




 




Dhinaca kale siyaasi Cumar Daahir Cilmi waxa kale oo uu si wayn uga hadlay hadlay rabshado amni daro oo maalmihii u dan beeyey ay dhalinyarada reer Borama ka wadaan gudaha magaalada mar uu arintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi.” Maalmahani danbe waxa magaalada Borama ka jirta amaaan daro ay sababeen dhalinyaro koox koox ah kuwaasi oo ku dagaalamaya suuqyada isla markaasina boobaya meheradaha sidaasi darteed waxan dadwaynaha ugu baaqayaa in ay amaankooda ilaashadaan maadaama aysan jirin xukuumada aan ka sugno in ay waxaka qabatee inoo ilaaliya amaaankeena waayo xukuumadani waxy ku guuldaraysatay in ay waxkaqabato oo ay dhalinyaradan jihayso una samayso goobo ay ku ciyaaraan iyo shaqo abuur .”




 




Gabagabdii ayaa siyaasi Cumar Daahir Cilmi waxa uu ku eedeeyey Maayerka Boorama In uu hawlo aan shaqadiisa ahayn uu ku daalay.” Maayer ka waxa aan leehay Saaqidnimo ka hoosaysaa majirto in aad ku fashilanto xalinta rabshadaha dhalinta iyo kashaqaynta bilicda magaalada halka aan siyaasad xukuumadeed oo badhasaab ku lug leeyahay aan ka hadasho waxan kuleeyahay gudoomiye awood umalihuid in aad dad muwaadiniin ah oo miisaankuleh dalkan aad tiraahdo Borama masoo galikaraan hawshaasi ma aha taadii ee adiga garo in laguu doortay in aad qashinka magaalada ka hagaajiso.” ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa Sikastaba ha ahaatee waxa tan iyo maalintii shalay to isa soo taraya hadalada ka soo yeedhaya siyaasiyiinta asxaabta mucaaradka mucaaradka kuwaasi oo si wayn u ugu dhaliilaya xukuumada ka gaabinta adeegyada bulshada”