Sunday, October 20, 2013

Muqdisho: Madaarka Diyaaradaha oo Dib dhis iyo Casriyeyn laga Bilaabay + sawirro


Muqdisho(GNA)-Waxa ka socda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde howlo isugu jira dib u dhis iyo casriyeyn ay wado shirkada FAVORI LLC oo dhawaan lagu wareejiyay Madaarkaasi.




 Qeybo ka mid ah gudaha garoonka ayaa la bur-buriyay si dib u dhis loogu sameeyo.




Dib u dhiskan oo galay wajigii koowaad ayaan illaa hadda wax saameyn ah ku yeelan howlaha garoonka ka socda iyo duulimaadyada ku soo dega kana duula.




Wasiirka warfaafinta xukuumada Somalia C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa dhawaan  sheegay inay Dawlladu  shirkada Favori kula heshiisay iney muddo 8 bilood gudahood ah dib u dhis balaaran ku sameyso garoonka.




Waxaanu soo bandhigay naqshad casri ah oo shirkadaas ay balan qaaday iney u dhiseyso garoonka,taasoo dhismaha laga alfay ay ku bixi doonta malaayiin dolar.




Heshiiskan ayaa meesha ka saaray Shirkada SKA oo muddo saddex sano ah maamuleysay Madaarkaasi, taasoo dawladdu kaga baxday heshiis ku cayimnaa ilaa 10 sano, taasoo lagu eedeeyey iney waxba ku soo kordhin waayeen garoonka Aadan cadde.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




Hoos ka Daawo Sawirrada: