Saturday, October 19, 2013

Xarshin: Ciidanka Liyuu Boolis Itoobiya oo Qof Shacab ah ku dilay Deegaan hoos-yimaada Degmada Xarshin


Xarshin(GNA)-Ciidamada Liyuu Booliska loo yaqaano ee Kilalka shanaad ee Itoobiya ayaa Nin shacab ah ku dilay meel u dhow degmada Xarshin ee Kilalka shanaad.




Dilka ayaa ka dhacay deegaan wax yar u jira Sohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya,gaar ahaan meel u dhow degmada Bali cabane.




Inkasta oo aan faahfaahin dheeraad ah laga haynin dilkaasi iyo sida uu u dhacay, hadana dad ku sugan degmada Bali cabane ayaa Gobanimonews u sheegay inay Ciidamadan ooh awl-gal ka waday deegaamada xuduudka ku teedsani Ninkan shacbiga ah toogasho ku dileen.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ninkaasi la toogtay isagoo ka cararaya Ciidanka oo sida la sheegay lagu soo hagay, isla markaana raacdaynayay Koox ka tirsan Jabhada ONLF oo halkaasi u hoyday, waxaana la tuhunsanyahay in Raga ay Liyuu Boolisku raadinayeen inay Ninka la dilay Gurigiisa u hoyden.




Ciidamada  Kilalka shanaad ee Itoobiya ayaa dilal kala duwan ka geystay deegaamada hoos yimaada degmada Xarshin, waxaanay sanadkan horaantiisii dad badan oo shacab ah ku laayeen agagaarka degmada Xarshin.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka ee Jig-jiga oo la xidhiidha dilka iyo sababta ka dambeysa, waxaanu Ninka la dilay ka soo jeeda deegaamada wada degen Somaliland iyo Itoobiya.




Waxaanu ka mid noqonayaa tiro dad badan oo shacab ah oo sanadkan Gudihiisa lagu laayay deegaamada Sohdinta labada waddan ku dhadhow.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com