Hargeysa(GNA)-Waxa Caawa kulan albaabadu u xidhanyihiin ku yeeshay Magaalada Hargeysa ee Somaliland Wefti ka socda Dawlad-deegaanka Somalida Itoobiya iyo Jaaliyada ka soo jeeda Deegaamada Kilalka Shanaad, kaasoo ka dhacay Hudheelka Ambasador.
Shirkan oo ay ka qayb-galeen dad tiro badan oo ka soo deegaamada maamulka Jig-jiga hoos yimaada iyo weftiga oo ka kooban xubno wasiirro ah iyo madaxda Xisbul-xaakimka Kilalku, ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka ka dhexeeya dawlad-deegaanka iyo Mawaadiniinteeda ku nool Somaliland.
Inkasta oo aan faahfaahin dhab ah laga hayn, hadana ilo-wareedyo kala duwan oo ay Gobanimonews la heshay xubno ka mid ah dadkii ka qayb-galay, ayaa sheegaya in Garnaqsi dhinacyo badan taabanaya xunnaha Jaaliyadu hordhigeen Wasiirrada.
Arrimaha ugu badan ee garnaqsigaasi salka ku hayay, ayaa lagu sifeeyay dhinaca Deegaamada iyo amaanka Gobolka, iyadoo sidoo kale dhinacyadu wax iska waydiiyeen amaanka iyo wada noolaanshiyaha Bulshooyinka wada degen Deegaamada Kilalka shanaad iyo Somaliland.
Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo natiijada kulanka iyo waxyaabihii ka soo baxay, balse ilo-wareedyadu waxay intaasi ku darayaan in intii uu socday si adag loogu wada hadlay, isla markaana gar-naqsi aad ahi ka dhacay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com