Saturday, October 19, 2013

Daraasad cusub oo Daaha ka Qaaday in Ubadka 2 Sacadood iyo Wax ka Badan Xidhiidh u Daawada Tv-ga ay la Kulmaan Dhibaato Maskaxeed


_Daraasad cusub oo dhowaan la soo saaray, ayaa daaha ka qaaday haddii ubadka yaryar ay laba saacadood oo isku xiga




xidhiidh u daawadaan Tv-ga ammase u isticmaalaan kombiyuutarku ay arrintaasi ku keento dhibaato dhinaca cilmi-nasfiga




ah, taas oo carruurta ku keenta degenaansho la’aan dhinaca maskaxda, iyadoo daraasaddu uga digtay ubadka yaryar inay




waqti intaa le’eg ku lumiyaan isticmaalka kombiyuutarka iyo daawashada Tv-ga.




Sidoo kale, culimada saynisyahada ah ee daraasaddan diyaariyey waxa kaloo ay sheegeen in dhaqdhaqaaqa badan ee




jidhku aannu waxba ka tarin dhaawacyada uu sababo daawashada Tv-ga ee lagu lumiyo saacado badan.




Daraasaddan oo lagu sameeyey in ka badan 1,0000 (kun) carruur ah oo da’doodu u dhexayso 10 ilaa 11 jir, ayaa waxay




iftiimisay in carruurta waqti yar daawada muuraayadaha Tv-ga ay ka farxad badan yihiin kuwa iyagu waqti badan ku lumiya




daawashada Tv-ga.




Cilmi-baadhayaasha ayaan wax caddayn ah weli u helin in qofka oo noqda mid aan firfircoonayn ay leedahay saamayn




taban (-), laakiin waxay sheegeen inay sababi karto oo keliya dhibaatada degenaansho la’aanta ah daawashada telefishanka.




Dr. Angie Page oo ah dhakhtarad u qaabilsan Jaamacadda Bristol dhinaca jimicsiga, nafaqada iyo arrimaha caafimaadka, isla




markaana ah madaxa daraasaddan, ayaa u soo jeedisay ubadka yaryar in laga ilaaliyo daawshada telefishannada iyo




isticmaalka internet-ka ee ay isticmaalan ubadku labada saacadood iyo wax ka badan iyadoo arrintaa ka hadlaysayna waxa




ay tidhi; “Dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Australia, ayaa waxay ubadkooda u




kala qaybiyeen waqtiyada ay




jimicsanayaan iyo markay daawanayaan muraayadda, taasina waa midda aynu tixgelinayno.




Waxa aannu daaraasaddan ku ogaanay in carruurtu la kulmaan dhibaato cilmi-nafsi, taas oo ugu wacan tixgelin la’aanta




waalidku aanay tixgelinayn inay ubadkooda u sameeyaan jimicsi iyo jadwal ay u isticmaalaan nolol-maalmoodkooda.




Waxa kale oo Dr. Angie sheegtay in waxa ay ka hadlayaan aannu ahayn jimicsiga oo kaliya, laakiin sidoo kale doorbidayaan




in la dhiirrigeliyo caafimaadka carruurta iyo in sidoo kale laga yareeyo daawashada muraayadaha TV-yada iyo




kombiyuutarka, waxaanay intaa raacisay inay adag tahay in carruurta laga bakhtiiyo kombiyuutarka iyo telefishinka, balse




iyaga faa’iido u tahay si aanay caafimadkooda iyo aragtida idhahoodu saamayn ugu iman.




Waxa ay sheegtay inay daraasaddan ku ogaadeen intii lagu gudo jiray baadhistii magaalada Bristol ay 1,013 (kun iyo saddex




iyo toban) ardey oo daawada telefishinka sannadkiiba ay ka fayo-qabaan lix keliya.




Intii daraasaddan la waday waxa kaloo lagu ogaaday in carrurta lagu sameeyey cilmi-baadhista xaladoodu aad u liidatay oo




ay ku jireen cidhiidhi nafsiyan ah, halka ubadka daawashada yarna xaladooda xasuuseed aad u sarrayso oo ay ka




sarreeyaan imtixaanaada ardeyda aadka u daawada TV-ga.




Diyaariye.Askar




Gobanimonews.com




askars4@hotmail.com