Saturday, October 19, 2013

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaaxi ku taalla Baladweyne


Baladweyne (GNA)–Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamaya in qaraxa Maanta halkaasi ka dhacay uu ahaa Ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof isku qarxiyay Goob Maqaayad ah oo ku taallo Magaalada Baladweyne.




Qaraxan ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 12 Ruux 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen , iyada oo 13 ka mid ah dadka dhaawacmay uu liito dhaawacooda sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku sugan Magaalada Baladweyne.




Warar ayaa sheegaya in Maqaaxidaasi ay fadhiisan jireen Soomaali iyo Ethiopian intaba , waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.




Goobta Qaraxu uu ka dhacay ayaa waxaa isku geedaamay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kuwaasi oo xidhay gebi ahaan wadooyinka soo gala meesha ay wax ka dheceen , iyada oo dadku ay Maqlayeen Rasaas xoogan oo Ciidamadu ay fureen kadib qaraxa..




Diyaariye.Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com