Saturday, October 19, 2013

Booliska Kenya Oo Ku Dhaqaaqay Hawl Gal Ay Ku Qaqabqabanayaan Soomili Loo Tuhunsan Yahay Hawlgalkii Westgate


Nairobi (GNA)–Booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Illaa 7 Ruux kuwaasi oo ay ka qabteen inta u dhexeysa Libooya iyo Magaalada Gaarisa.




7 qof ee la qabtay ayaa 5 ka mid ah ay yihiin Rag halka 2 kale ay yihiin dumar , iyada oo qab qabashada dadkani ay ka dambeysay kadib feejignaan ay Muddooyinkii dambe Muujinayeen Ciidamada Ammaanka Kenya kadib weerarkii Westgate Mall ka dhacay Bishii aanu kasoo gudubnay.




Weerarkii Westgate wixii ka dambeeyay ayaa Howl gallo ay Ciidamada Ammaanka Kenya ka sameeyeen Magaalada Nairobi iyo Meelo kale oo ka tirsan dalkaasi waxa ay ku soo qabteen dad u badan Soomaali oo looga shakisan yahay in ay Xidhiidh la leeyihiin Ururka Al Shabaab.




.Diyaariye.Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com