Wednesday, October 16, 2013

waxa si balaadhan looga ciiday munasibada ciidal odxada guud ahaanba magaalada borama


Borama{GNA} Si wayn ayaa guud ahaan gobolka Awdal, gaar ahaana magaalada Caasimada ah ee Boorama looga ciiday , munaasabaciidal Adxa iyo tukashadii salaada oo ay dadwaynaha qaar ku tukadeen gudaha masaajida, halka ay qaar kalena kaga oogeen salaada goobo barxado ah ayaa waxa kala qayb galay madaxwaynihii hore ee Somaliland md. Daahir Rayaale Kaahin, wafdi wasiiro ah oo xukuumada ka socda oo uu hogaaminayay Wasiirka Beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir.




Ugu horayn maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed ayaa waxa ay salaam balaadhan oo ku aadan munaasabada Ciidal-Adxa u direen Madaxyanaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Marwadiisa, Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Iyo Marwadiisa, Shacabka Reer Awdal, kan reer Boorama iyo Umada Somaliland, waxana ay u rajeeyeen cimri dherer caafimaad qab, barwaaqo, bashbash iyo Ictiraaf Caalami ah inuu Eebe ku gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa.




Wasiirka Beeraha ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir ayaa iyaguna sidoo kale salaam u diray gabi ahaanba umada reer Somaliland, gaar ahaana shacabka reer Boorama, madaxda qaranka iyo umadaha islaamka ah, waxana uu wasiirku xusay in Somaliland ay tahay qaran ku soo caano maalay nabadgalyo, loona baahan yahay in shacabku ay ku baraarugsanaadaan adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.




Ma ahayn intan oo kaliya balse dadwaynaha oo aan kala lahayn da’ iyo jinsi gaar ah ayaa ku labisnaa dhar aad u bilicsan, waxana ay booqanayeen qaraabadooda, goobaha lagu kulmo iyo goobaha kale ee caruurta lagu ciyaarsiiyo, waxana tani barbar socday in qaybo badan oo bulshada ahi ay maanta gawracayeen xoolo astaan u ah ciidan balaadhan ee Al-adxa




Wariye Mustafe Caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office